Nin horey kufsi u gestay gabar yar isla mar’ahaantaana dilay oo Maanmta meel Fagaar ah lagu Rajmiyay Degmada Wala-Weyn Ee Gobolka Sh.Hoose.

Posted on Jun 28 2009 - 6:11pm by News Desk
Tweet
Pin It

deg-wanlaweynBartamaha(Muqdisho):-Ninkan ayaa horey kufsi u geystay gabgar daganayd Deegaanka Yaaq bari weyne Ee Gobolkaasi Sh.Hoose iyadoo Maanta Maamulka Islaamiga Degmada Walaweyn ay si rasmi ah ugu fulioyueen xukun Rajmin ah oo dad badan ay ka qeyb-galeen. 

Maxkamada ku dhaqanka shareecada Islaamka Ee Degmada Wala Weyn ayaa si rasmi ah maanta ugu fulisay xukun Rajmin ah ninkaasi oo dil iyo kufsiba u gaystay 28-kii bishii May ee sanadan gabar yar oo 18-jir ah taasi oo lagu magacaabi jiray Faadumo Tifow.

Xukunka Rajminta ah oo ka dhacay fagaara ku yaala Degmada Wala-weyn ayaa waxaa ka soo qeyb-galay inta badan bulshada ku dhaqan Degmadaasi iyadoo uu ka hadlay qaadiga Maxkamada xukuntay Sheekh C/Baasid oo tilmaamay muhiimada fulinta xukunkan islaamiga ah.

Dadweynaha ayaa intooda badan waxa ay ninkaasi la xukumay ay ku kulmiyeen dhagxaan la qiyaasay kuwaasi oo ka agdhawaa goobta lagu aasay ninkaasi qeybta danbe ee Jirkiisa.

Waa markii ugu horeysay Ee Gobolkaasi uu kla dhaco xukun caynkani oo kala ah iyadoo ay noqonayso markii labaad  oo xarakada Alshabaab ay fulusi xukunkan oo kale .

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Â