read more »">
Calendar

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas Oo Booqday Maxjarada Kala Duwan Ee Bosaso Iyo Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Dowladda (sawirro)

Khamiis 27,03,2014 Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed  Cali Gaas oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa booqday xarumaha lagu xanaaneeyo xoolaha nool ee Maxjarada, kuwaasi oo ay leeyihiin ganacsato Somali iyo Ajnabi ah.

Masuuliyiinta kala duwan ee Maxjaradaasi ayaa madaxweyne Gaas uga xog waramay qaabka ay u shaqeeyaan iyo xoolaha ay gacanta ku hayaan , kuwaasi oo loo dhoofin doono dalka dibaddiisa.

Waxay sidoo kale Madaxweynaha u sheegeen in sanadkii lasoo dhaafay ay Puntland ka dhoofeen xoolo aad u fara badan, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in sanadkaan la kordhin doono xoolaha nool ee loo dhoofinayo dalka dibaddiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed  Cali Gaas ayaa ganacsatada iyo masuuliyiinta maxjarada uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u shaqaynayaan , wuxuuna ku adkeeyey inay halkaa kasii wadaan shaqada ay bulshada u hayaan.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale ganacsatada ku adkeeyey in loo baahan yahay sidii loo heli lahaa suuq weyn oo xoolaha nool lagu kala iibsado, si ay suurta gl u ahaato in ganacsade kastaaba xillig uu u baahdo xoolo nool inuu heli karo.

Booqashadaas ka dib ayaa Wafdig Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli waxa ay kormeero kala duwan ku tageen qaar ka mid ah xarumaha wasaaradaha oo ay ka mid yihiin , Wasaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha,Wasaardda Maaliyadda,Wasaaradda Dekedaha iyo xaruntii kaydinta kalluunka ee Nekfish ee magalada Bosaso oo aan xiligan wax shaqo ag qaban.

Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhagaystay masuuliyiinta wasaaradaha uu booqday, wuxuuna u sheegay in loo baahan yahay sidii looga dhabayn lahaa waxqabad iyo is beddel, korna loogu qaadi lahaa shaqooyinka ay qabtaan.

Wuxuu kale oo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayradka Badda ku amray in dib loo howl galiyo xarunta kaydinta kalluunka ee Nekfish isla markaana laga faa’iidaysto qalabka ay ku shaqayso.

-DHAMAAD-

Xafiiska Warfaafint,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada.

IMG_3448 IMG_3450 IMG_3451 IMG_3452 IMG_3458 IMG_3462 IMG_3472 IMG_3482 IMG_3484 IMG_3485 IMG_3492 IMG_3500 IMG_3504 IMG_3524 IMG_3525 IMG_3530 IMG_3535 IMG_3538 IMG_3541 IMG_3546 IMG_3563 IMG_3570 IMG_3581 IMG_3606 IMG_3607 IMG_3612 IMG_3620 IMG_3623 IMG_3624 IMG_3628 IMG_3629 IMG_3633 IMG_3635 IMG_3640 IMG_3642 IMG_3645 IMG_3680

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: