Calendar

Magaalada Baydhabo oo looga dhawaaqay madaxweyne kale

Baydhabo_ Eragadii kaqaybgelaysay shirkii ka socaday magaalada Baydhabo, kaasi oo laguso dhisayo maamul  uu yeelanayo maamul ka kooban saddex gobal ayaa maanta madaxweyne loo doortay Maxamed Xaaaji cabdinuur.

Ergada ka qaybgelaysay shirka ayaa gaarayay ku dhowaad 700 oo qof, kuwaasi in muddo ah ku shirayay Hotel Bakiin ee magalada Baydhabo.

Doorashada madaxtinimada ayaa waxaa ku tar tamayay afar musharax oo kala ah, Maxamed Xaaji cabdinuur, Bishaar Maxamed Nuur, Yoonis Cali Dareen iyo Ibraahim cabdinur.

Madaxweynaha la doortay ayaa si aqlabiyad leh u helay codad gaaraya 713, oo ay dhiibteen Ergadii shirka kaqaybgashay.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay inuu wax muuqada kaqaban doono amniga iyo horumarinta saddexada gobal ee kala ah Baay, Bakool iyo shabeelaha hoose.

Maalmihii dame ayaa magalada Baydhabo waxaa hareeyay dibad baxyo loogasoo horjeeda shirkani, gaar ahaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ahaa raga dabada ka riixayay maamulkani.

 

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: