Calendar

Madaxweyne Faroole oo fariin u diray Dowlada Shariif.

KENYA-SOMALIA-PUNTLAND-FAROLE-PIRACYBartamaha (Garoowe):- Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa fariin u diray Madaxda Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulKA Puntland C/raxmaan Faroole oo ka hadlayay munaasabad loo sameeyay xiliga uu jagada haayo ayaa waxa uu ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.

Madaxweyne Faroole waxa uu shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed ay ogyihiin shaqooyinka Dowlada KMG ah iyo qaabka ay xiriirka ula leedahay Maamulada Gobolada Soomaaliya.

Faroole waxa uu ka digay xiriirka dowlada iyo qaabka uu yahay oo uu sheegay in uu sababi karo in Puntland ay la goosato xiriirkeeda iyo taageerada ayu dowlada u hayso taasi oo dhibaata badan abuuraysa.

Madaxweynaha Puntland waxa uu fariin toos ah u jeediyay Madaxweyne Shariif oo uu sheegay in aanu ahayn masuul danaynaya dowlada puntland iyo qaabka ay u shaqeyso taasina ay sababayso waxyaabo dowlada dhaawaca.

Wuxuu xusay Faroole waqti yar inuu u harsan yahay dowladda KMG, wuxuuna ugu baaqay inay xormeyso ayna xoojiso xiriirka ay la leedahay maamulkiisa oo uu ku sheegay mid danaynaya midnimada soomaalida.

Hadalka Madaxweyne Faroole wuxa uu imaanaya xilli dhawaan khilaafaad xoogan uu soo kala dhexgalay maamulkiisa iyo Dowlada KMG ah ee uu madaxweynaha ka yahay shariif Sheekh Axmed waxana weli gabi dhaclaynaya xiriirkaasi oo aan meel loogu hagaago lahayn.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: