Calendar

Madaxweyne Xasan SH oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada SHarmal Sheekh

xasan sh sharmal sh 1Sharmal Sheekha(Bartamaha)  Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayey oo gaaray magaalada Sharmal Sheekh ee dalka Masar ayaa waxaa halkaa si diiran ugu soo dhaweeyey madax ka tirsan dowladda Masar iyo safiirka Soomaaliya ee dalkaas.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Sharmal SHeekh kusoo dhaweeyey R/wasaaraha dalka Masar ,wuxuuna salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Masar isagoo intaa kadib loo galbiyey goobtii uu dagi lahaa.

Madaxweyne Xasan SH oo ay safarka ku wehlinayaa xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo masuliyiin ka socota Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah ka helay dowladda Masar wuxuuna magaalada Sharmal Sheekh ee dalkaasi kaga qaybgalayaa shir looga hadlayo Maalgashiga iyo Mashaariic horumarineed  ee wadanka Masar oo ay ka qaybgaalaan in ka badan 80 dal iyo 23 urur oo caalami ah.

 

 

Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc