Calendar

Markab hub u siday Ciidamada Amisom oo ku soo xertay Dakada Muqdisho iyo Dhaqdhaqaaqa Dakada oo la joojiyay.

dekeda-muqdisho1Bartamaha(Muqdisho):-Howlaha Dakada Magaalada Muqdisho ayaa hakad la galiyay ka dib markii uu dakada ku soo xertay markab Hub iyo Saanad ciidan u siday Amisom.

Wararka haatan naga soo gaaraya Dakada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom ay shaqo dajin ah ka wadaan Markab hub iyo Saanad kale u sida Ciidamadaasi.

Ciidamada Dowlada ayaa gabi ahaan dakada ka soo saaray shaqaalaha dakadaasi iyagoo xeray Wadooyinka soo gala Dakada Magaalada Muqdisho oo Ciidamada Amisom ay si weyn u isticmaalayan.

Markabka ku xeran Dakada Magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad u weyn kaasi oo Ciidamada Amisom ay ka dajinayaan Hub iyo Saanad kale oo aad u fara badan taasi oo aan la garan waxa ay ka koobantahay.

XIliga ay Amisom Dakada Muqdisho wax kala dagayaan ayaa waxaa guud ahaan la caburiyaa shaqaalaha Muruq malka ah ee ka xoogsada Dakadaasi oo inta badan dibada looga soo saaro.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: