Calendar

Diyuurado joog hoose ku duulayay oo cabsi beeray dadka Magaalada Kismaayo.

KismaayosBartamaha(Kismaayo):-Dadka Magaalada Kismaayo ayaa Xalay cabsi ay kala soo derestay diyuurado joog hoose ku duulayay kuwaasi oo qalqal ku abuuray shacabka.

Sida Wararku nagu soo gaarayo Xalay Magaalada Kismaayo dadka ku dhaqan Cabsi iyo Wal-wal ayay ku jiifsadeen iyagoo ka cabsanayay guuxa diyaarado dul hee-haabayay Kismaayo.

Diyuuradaha ayaa waxaa la sheegayaa in ay ahaayeen nuuca AC130 iyo kuwa Miigaga ah kuwaasi oo xalay mar qura laga maqlay Kismaayo iyagoo dul meeraysanaya.

Dadka Kismaayo ayaa waxa ay ka cabsanayeen in jawab ay ka baxdo Xeyaha Ciidamada Alshabaab Kismaayo kuwaasi oo ay yaalaan qaar ka mida hubka Lidka Diyuradaha.

Maamulka Alshabaab Kismaayo wax war ah lagama haayo xilli horey ay u sheegeen in ay soo rideen Diyuurad Basaas oo maraysay Hawada Kismaayo taasi oo ay sheegeen in dhanka Badda ay ku dhacday.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: