Calendar

Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Macalin Jose Mourinho

José Mário dos Santos Félix Mourinho oo lagu magacaabo Jose Mourinho waxa uu dhashay bishii Janaayo ee sanadkii 1963 isagoo ku dhashay deegaanka Setúbal.

Jose  Mourinho waxa macalin kubadda cagta ah oo u dhashay dalka Portugal waana macalinka haatan layliya kooxda Real Madrid ee ka dhisan caasimadda dalka Spain ee ka ciyaarta La Liga dalka Spain, macalin mourinho waxaa loo yaqaanaa The Special one oo ah inta badan magac macalinka uga hirgaly warbaahinta ingiriiska wakhtigii uu joogal kooxda Chelsea ee The Blues lagu magacaabo.

Josse Mourinho waxaa dhalay goolhaye Portuguese ah oo lagu magacaabi jirey José Félix Mourinho, macalin Mourinho waxa uu isku dayay inuu bilaabo ciyaaritaanka Kubadda Cagta balse xirfad yari haysay ayaa ku khasabtay inuu u beyro dhinaca maamulka kubadda cagta, waxa uuna muddo kooban kaaliye dhinaca maamulka ah kala sahqeeyay macalin laylinayay koox dhalinayro ah oo kubadda cagta ka ciyaari jirtay dalka portugueska.

Bilawgii sanadihii 1990maadkii waxa uu turjumaan u noqday macalin bobby robson oo uu Josse Mourinho  ka dhaxlay farsamooyin badan macalinkaasi taariikhda badan ku leh qaaradda Yurub, waxa uuna kala soo sahqeeyay kooxa ay kamid yihiin Sporting Clube de Portugal iyo naadiga Porto oo ka dhisan dalka Portugal, ka hor intaanu u raacin naadiga Barcelona ee ka dhisan dalka Spain.

Guulihii Naadiyada Portugal

Waxa uu Mourinho bilaabay inuu diiradda saaro qaabka uu u laylin lahaa kooxaha kubadda cagta oo si farxad leh kusoo kasoo qeyb qaadtay maamulada kooxihii uu tababarkooda qeybta ka ahaa isagoo guulo u keenay kooxahaasi oo ay kamid ahaayeen Sport Lisboa e Benfica iyo sidoo kale União de Leiria. sanadkii 2002 waxa uu kusoo noqday naadiga Porto, iyadoo wakhtigan loo magaacaby tababaraha kooxda Porto oo sababtay inuu muddo yar ku noqdo macalin awood badan leh, waxayna arintaasi macalinka u suurta galisay inuu ku guuaysto koobka naadiyada Prtugueska, Portuguese Liga iyo sidoo kale UEFA CUP sanadkii 2003, waxaana hubala in sanadkii xigay ee 2004 uu macalin Jose Mourinho uu kooxda Porto u soo hoyiyay guul aad u weyn taasi oo ahayd in kooxda ay halka ugu sareysa ka gasaho koobka dalka Prtugal kuna guulaysto abaal marinta ugu sareysa kooxaha Yurub iyadoo ay kooxdu hanatay koobka UEFA Champions League.

Imaanshiyihii Kooxda Chelsea iyo Guullo is daba joog ah

Macalin Mourinho ayaa waxa uu yimid kooxda Chelsea sanadkii xigay ee 2005 waxa uuna macalinku si isku xigtay ugu guulaystay koobka  Premier League sanadihii 2005 iyo 2006, isagoo sidoo kalan guulo iyo maamusyo kale oo qaaliya la qaadtay kooxda the Blues waxayna arintaasi sababtay in guulihii Porto iyo Chelsea loo aqoonsado macalin mourinho mid kamida macalimiinta ugu wanaagsan caalamka guud ahaan gaar ahaana qaaradda Yurub.

Waxaa xusid mudan hadal hayntii warbaahinta caalamka ee ku aaddan kubadda cagta iney u gogol xaartay in Jose Mourinho lagu magacaabo tababaraha ugu wanaagsan caalamka waxaana dhacday in International Federation of Football History and Statistics ururka loo yaqaano ee loo soo gaabiyo (IFFHS) ay labo xilli ciyaareed oo is xigta oo kala ahaa sanadihii 2004–05 iyo sanadihii 2005–06 loo magacaabay tababaraha ugu wanaagsan caalamka.

Isku dhicitaanka Maamulka Chelsea iyo ku Biiritaankii Inter Millan

Kadib markii ay macalin Mourinho is qabteen maamulkii sare ee kooxda Chelsea ayaa waxay arintaasi sababtay inuu tababaruhu  isga huleelo kooxda kooxda Chelsea waxa uuna qabtay koobka Serie A, iasgoo heshiis saddex sano ah u saxiixay kooxda Internazionale bartamihii sanadkii 2008.

Muddo saddex bilood gudahooda waxa uu macalin Mourinho nasiib u yeesahy inuu talyaaniga ka helo guushii ugu horeysay ee dhinaca dalka talyaaniga isagoo ku guulaystay koobka lagu magacaabo Supercoppa Italiana, waxa uuna xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay u suurta galay inuu ku guulaystokoobka kooxaha heerka koowaad ee talyaaniga ee lagu magacaabo Serie A league title. waxaana sanadkii xigay macalinka u suurta galay in sameeyay taariikh aanan horay uga dhicin dalka talyaaniga oo ahayd inuu ku guulaysto Treble history oo ahayd inuu kooxda Inter Millan u qaaddo Koobabka the Serie A league title, Coppa Italia, iyo koobka horyaaladda Yurub isagoo markaasna noqday macalinkii sadexaad ee taariikhda kubadda cagta yurub ee labo jeer naadiyo kala duwan u qaada koobka qaaradda yurub marka laga yimaado Ernst Happel iyo Ottmar Hitzfeld.

Markii ay dhacday guulaha uu ka sameeyay kooxda Inter Millan ayaa waxa uu mar labaad ku guulaystay biladda macalinka ugu wanaagsan ee uu bixiyo ururka IFFHS iyadoo laga dhigay macalinkii ugu wanaagsanaa sanad ciyaareedkii 2009–10 iyadoo kadibna uu sanadkii 2010 ku guulaystay biladda ay bixiso FIFA ee lagu magacaabo FIFA Ballon d’Or oo uu ku qaadtay macalinkii amaba tababarihii ugu wanaagsanaa sanadkii 2010.

Aaminsanaanta inuu Yahay Tababaraha ugu Fiican Caalamka

Macalin Mourinho waxay qaar farabadan oo kamida bulshada kubadda cagta caalamka ay u aqoonsatay macalinka ugu wanaagsan laylinta kubadda cagta intii lagu gudo jirey sanadkii 2010 ka hor intaysay isku aadin wareegii seminfinalka kooxaha Barcelona iyo inter millan oo uu markaasi laylinayay macalin Mourinho waxaa jirey hadal laga soo xigtay macalinka kooxda Barcelona Josep Guardiola ayaa sheegay in marka la fiiriyo tabarayaasha kubadda cagta ee ugu wanaagsan caalamka amaba marka la is barbar dhigo Jose Mourinho, Sir Alex [Ferguson], Arsène [Wenger] iyo macalin Fabio [Capello], waxaa kuu soo baxaysa in macalin Mourinho uu yahay tababare wali da’yar, haddana iyadoo ay da’diisu sidaasi u yartahay marka tabarayaashaas kale la barbardhigo waxaa jira arimo xooggan oo muujinaya inuu yahay tababaraha ugu wanaagsan caalamka waana mid runa taasi.

28kii bishii May sanadkii 2010 ayaa loo magaacaby inuu layliyo kooxda ugu guulaha badan horyaalka Yurub ee Real madrid waxaana la xaqiijiyay inuu saxiixay heshiis afar sano gaarayo oo ku laylinayo kooxda Real Madrid, hase ahaatee waxaa dhawanahan soo baxay in macalin Josse Mourinho uu ka tagi doono kooxda Real Madrid.

Halkaan Ka Daawo Sawirada Macalin Jose Mourinho Inta uu Joogay Real Madrid

Dhinaca kalana waxaa soo baxayay warar ay baahinayeen inta badan oo sheegaya in macalin Mourinho laga yaabo inuu yimaado garoonka Old Tradford si uu u layliyo kooxda Manchester United ee sanadahan ugu dambeeyay ku gulaysatay iney qaado koobabkii ugu badnaa dalka Ingriiska, waxaana dhacday in ra’yi aruurin uu sameeyay Sky Sports uu dadka weydiinayay macalinka ay jeclaan lahaayeen tageerayaasha Manchester United inuu badalo macalin Sir Alex marka uu isaga tago kooxda Red Devils iyadoo lamabrkii ugu badnaa oo gaarayay ilaa iyo ku dhawaad 50 kun ay sheegeen iney fiicnaan lahayd in kooxda uu yimaado macalin Jose Mourinho.

Halkaan Ka Daawo Wakhtiyadii Qaaliga ahaa ee Macalin Jose Mourinho “The Special One”

W/D Cabdiqafaar Shire

Xigasho: Horumar.com

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: