Calendar

Wasiirada Puntland oo isku shaandhayn lagu sameeyay (liiska Wasiirada)

farooleBartamaha (Garoowe):- Waxaa isku shaandhayn lagu sameeyay Golaha Wasiirada Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland xilli xaalad cakirnaan ah ay taagan tahay.

War-saxaafadeed:-

Warqad Digreeto ah oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed kuna taariikhaysnayd 28-ka bishan Janaayo ayaa uu madaxweynuhu ku xusay in kadib markii uu arkay uu fiiriyey Dastuurka dawlada Puntland uu goostay xil ka qaadida 4-Wasiir iyo isku shaandhayn wasiirada kale:-

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta (Axmed Cali Askar).

Wasiirka Wasaarada Shaqada,Shaqaalaha,dhalinyarada iyo Isboortiga (C/weli Xirsi Cabdulle-Indha Guran).

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka (Eng.Maxamuud Xaaji Saalax).

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada (Cali Axmed Gamuute).

Isku shaandhaynta:-

Wasiirka Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada (Maxamuud Maxamed Idris).

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada (Faarax Seed Cilmi).

Wasiir Kuxigeenka degaanka,duurjoogta iyo Dalxiiska (Burhaan Cilmi Xirsi).

Wasiir kuxigeenka Shaqada,Shaqaalaha,dhalinyarada iyo Isboortiga (Cismaan Cawad Cali).

Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka (Axmed Cigaal Cawaale).

Wasiir kuxigeenka Howlaha guud iyo gaadiidka (Faarax Cali Cabdi).
Wasiirada xilalkooda waayey ayaa kala ah:-
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta (Cabdixakiim Axmed Guuleed).

Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga (Maxamed Nuur Cagaweyn).

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka (Xassan Cabdi Maxamed).

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada (Axmed Cilmi Cismaan Karaash).

XAFIISKA www.BARTAMAHA.COM EE AFRIKA

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: