Calendar

Maxamed Dheere oo geeriyooday + Taariikh Siyasadeedkiisi

Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo ahaa siyaasi iyo hogaamiye kooxeed hore ayaa ku geeriyooday magalada Muqdisho.

Maxamed Dheere oo horey gudoomiye uga soo noqday goboladda Banaadir iyo Shabelladda Hoose ayaa  mudadii danbe waxa uu ku xanuunsanayay magalada Muqdisho halkaas oo sheegayn iney dhaqaatiirta wax looga qaban Karin.

Gudoomiye xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Shaaweeye oo saxafada la hadlay ayaa sheegay in Maxamed Dheere la doonayay in dalka dibadiisa loo qaado si dhaqaatiir wax ka qaban kartey xaaladiisa loogu geeyo, isagoona marka uu geeriyoonayay ku sugnaa isbitaalka AMISOM ay ku leehyihiin Xalane.

“Marxuumku wuxuu ku dhintay iyadoo loo diyaarinayo safar dibadeed in loo qaado, waxaana isla maanta lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho” ayuu yiri Shaweeye.

Maxamed Dheere, waxa lagu xasuusanayaa maamulkii adkaa ee uu ka dhisay degmada Jowhar iyo deegamo kale oo ka tirsan gobolka Shabeladda Hoose halkaasi uu dadka sharciyo adag ku dhaqi jirey.

Waxa uu marti galiyey dowladii KMG ee Kenya lagu soo dhisay iyadoona magalada Jowhar ay xarun u noqotey madaxweyihii dowladaas Cabdullahi Yusuf iyo Ra’isal wasarihiisi Cali Maxamed Geedi, kuwaas oo markii danbe ay isku dhaceen oo ka guureen magalada iyagoona u wareegay degmada Baydhabo.

Bilowgii 2006-da waxa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyo ku midowbay ururkii argagixiso la dirirka kaas oo markii danbe dagaal la galay maxaakiintii qabaa’ilka ee Muqdisho ka dhisnaa, halkaas oo markii danbe maxkamadihii ay la wareegeyn dhulkii ay ka talin jireyn.

Isla sanadkaas markii ciidamadii Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya, dhamaankii 2006-da, Maxamed Dheere waxa uu kamid ah dhowr hogaamiye kooxeed oo dib usoo raacay isagoona la yimid Muqdisho halkaas oo markii danbe uu noqday gudoomiyiha iyo duqa Muqdisho.

Tan iyo markii xilkaasi laga qaaday waxa uu ahaa siyaasi aan qunyar socod ah oo inta badan iskaga sugnaa gurigiisa Muqdisho isagoona safaro ku tagay magalada Nairobi.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: