Maydadka Shabaab oo waxay u dirirayeen laga helay jeebabkooda

Posted on Jul 14 2009 - 2:43pm by News Desk
Tweet
Pin It

xuural caynDagaalkii Shalay ka dhacay Muqdisho oo shabaabka iyo Xisbul islaam looga riixay goobo badan oo ay haysteen ayaa halkaasi laga helay waraaqo ku jiray jeebabka dhallinta alshabaab oo ay ku qornaayeen waxa lagu dagaal geliyey ee ay doonayaan.

Waraaqahan jeebabka shabaab laga helay ayaa waxaa diyariyey nin lagu magacaabay C/llaahi Ansaari, waxaana waraaqaha ku qornaa oo lix bog ka kooban quruxda iyo fadliga gabdhaha xuurayl caynta oo warqadaa lagu sheegay wixii kuso arooray gabdhahaa ee axaadiis ama quraan ah.

Waxaa loo sheegay dhalinta in qofkii jannada gala uu helayo laba xuural cayn halka kuwa shahiida ay ka helayaan 72 xuuralcayn.

Waxaa sido kale loo sheegay in maanta waxa Soomaliyaka socdaa jihaad yahay oo ninkii dagalka ku shahiida uu helayo 72 xural cay. Dhalinta oo ku nool daruufo adag oo laga yaabo inaan qaarkood guur ama nolol wanaagsan arag ama rajo dhaw ka qabin ayaa loo tilmaamay in wixii qofku u noolaa ay ahayd inuu jannada iyo raallinimada alle helo iyo xuural caynta oo uu ka xaroobo rabitanka addunyada.

Waxaa kaloo loo sheegay in xuural cayntu  ay xamar dul heehaabayaan iyagoo u  baahan rag kasbada.
warqadda shabaab

Inta badan dhallinta ay shabaabku dagaal galiyaan ayaan aqoon durugsan u lahayn diinta iyo nolosha aduunyadaba iyadoo laga waardiiyeeyo inuu gaaro warka culimadii waaweyneyd ee Soomaaliya ee xarakaatka Soomaaliyeed aasaasay haba ahaadeen kuwa tayyaarka salafiyada ee ay ku abtirsadaan ama kaso jeedaan inta badan ragga haatan shabaabka hogaamiya.

Sidoo kale inta badan madaxda shabaabka ayaan la maqal iyagoo shahaadada iyo xuural caynta doontay oo safka hore ku dhintay ama is qarxiyey balse waxaa ugu daran in ragga ugu waaweyn ay aad isku qariyaan oo aan muuqadaba la arag ama aysan saxaafadda hor imaan marka laga reebo rag aan muhiim u ahayn oo safka warbaahitna la keeno laga maarmi karo halka ragga laf dhabarta ah ay dhuuntaan oo aysan inta badan safka hore iman marka laga reebo nin ama labo gantaal raadasanayey lala helo mooyaane.

Waxaa culimada Soomaaliyeed ee leh aragtiyada kala duwan iyo culimada dunida muslimkaba isku waafaqen in waxa  soomaliya ka jira uusan jihaad ahayn oo u dhexeeya qolo kaligod muslim ah iyo kuwa gaalo ah waxaase ayaan darro ah in dhallin Soomaaliyeed la qaldo oo iyaga oo xuural cayn doonaya ay ku dhintaan dagaal Soomaalii u dhexeeya oo laguna diidan yahay rabitaanka inta badan ee Soomaalida muslimka ah oo doonaya in Soomaaliya ka hana qaaddo dawlad Soomaalidu leedahay oo islaam ah balse ku eg xaduudaheeda oo aan caalam kale duullaan ku ahayn.

C/qaadir Cabdi