Calendar

Muqdisho oo saaka dagan iyo Dagaal Xalay ka dhacay Wadada Warshadaha.

muqBartamaha(Muqdisho):-Dagaal qaraar ayaa Xalay Muqdisho ka dhacay kaasi oo Islaamiyiinta ay ku qaadeen saldhigyada cusub ee Ciidanka Dowlada Wadada Warshadaha.

Rasaas culus oo ay Madaafiic xigeen ayaa Xalay saqdii dhexe laga maqlayay magaalada Muqdisho taasi oo u dhexeysay Cidiuamada Amisom iyo Islaamiyiinta Mucaaradka.

Saldhigyada Ciidanka Dowlada ay ka dageen Wadada Warshadaha ayaa mar kaliya dagaal xoogan uu ka bilowday iyadoo dagaalka ay ka qeybqaateen Ciidamada Amisom ee dagan Kuliyada Jaale Siyaad.

Madaafiic ayaa ku hoobanaysay xiliga dagaalka uu socanayay Xaafado ka mida Degmada Dayniile oo ay weerarka ka soo qaadeen Kooxaha Mucaaradka dagaalka la galay askarta Dowlada.

Saaka Xaalada Wadada Warshadaha waa ay dagantahay waxaana dib u furmay dhaqdhaqaaqa gaadiidka wadadaasi Warshadaha oo dadka ay ku maraan iyagoo beerka farta ku haya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: