read more »">
Calendar

Puntland oo kasoo horjeesatay heshiis ay dowlada Somaliya la gashay shirkad ka shaqaysa shidaalka (Daawo)

Dowlada Puntland ayaa kasoo hor jeesatay heshiis ay wasaarada macdanta DFS la gashay shirkad ka shaqaysa shidaalka oo magaceeda la yiraahdo Shell, sida uu saxaafada usheegay agaasimaha Macdanta iyo Baatroolka Puntland Ciise Maxamuud Dhoolawaa.

Agaasimaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Shaariqa ayaa ku tilmaamay heshiis kaasi dulmi wax loogu dhimaayo dhaqaalaha Puntland, waxaa uu intaasi raaciyey in Puntland aysan raali uga noqonayn xeebaheeda shirkado shisheeye oo ay lasoo heshiisay dowlada federaalka Soomaliya.

Xiriirka Puntland iyo dowlada dhexe ayanan wanaagsanayn muddoyinkii dame, inkastoo ay muuqanayso saa saan lagu xalinayo khilaafka labada dhinac , waxaana uu horay usheegay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, inay muhiim tahay sidii loo dhamayn lahaa khilaafka jira.

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: