read more »">
Calendar

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somaliya Nuur Cade oo muqdisho laguso dhoweeyey (sawirro)

Muqdisho_ Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii kumeel gaar ahayd Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana kusoo dhoweeyay garoonka diyaradaha siyaasiyin iyo wax garad kasoo jeeda magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta soo dhoweysay ayaa waxaa kamid ah Wasiirka warfaafinta Soomaliya Mustaf dhuxulow, Wasiirka haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye, guddomiyaha gobalka Banaadir, Siyaasi Muuse Suudiye yalaxow iyo waxgard kale.

Nuur Cade oo saxafada lahadlay ayaa sheegay inay farxad gelinayso inuu dib ugusoo laabto Muqdisho muddo sanad ah kadib, isagoona intaasi raaciyay inuu ku sugnaan doono muqdisho in muddo ah.

Nuur Cade ayaa xilka Ra’iisal wasaaranimo qabtay dhamaadkii 2007-dii, waxaana muddo kadib ay is khilaafeen madaxweynihii xiligaas alle ha unaxariistee Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

nuur-cade-1 nuur-cade-2 nuur-cade-3 nuur-cade-4 nuur-cade-5 nuur-cade-6 nuur-cade-7

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: