Calendar

Qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo xiran

MuqdishoSida uu ku soo warramayo wariyaheena magaalada Muqdisho, waxaa la xiray qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee caasimada Soomaaliya sababo la xiriira dhanka ammaanka.

Inkastoo saraakiisha ammaanku ay dhowr goor oo hore ay xireen wadooyin ku yaalla Muqdisho oo ay ku micneeyeen sababo ammaan darro ayaa tallaabada maanta aysan jirin cid ka tirsan dawlada oo saxaafadda u cadaysay sababaha rasmiga ah.

Jidadka xiran ayaa waxaa ka mid ah midka isku xira isgoysyada Banaadir iyo Zope ee Muqdisho oo ay ku taallo wasaaradda arrimaha dibadda ee Somalia iyo waddada KM-4 ee tagta safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Alshabaab ayaa mar walba sheegata masuuliyada weeraro loo adeegsado ismiidaamin iyo bumbooyinka gacanta laga tuuro oo inta badan ka dhaca goobaha ay dadka shacabka ahi ku badanyihiin.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: