Calendar

Fiqhi: ” Waxaan wadnaa dadaal aan uga maarmeyno ciidamada Shasheeye”

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan tababar iyo qalabeyn lagu sameenayo ciidamada Dowladda Soomaalia si ay uga kaaftoomaan gacmaha shisheeye mar uu lahadlaye laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da..

Fiqi waxa uu sheegay inay gaari doonaan heer isku filnaansho ah balse waxa uu sheegay in ka hor aysan ka maarmin taageerada dalalka dariska la ah Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay inay amaanka ka saacidayaan.

Wasiirka Gaashaandhiga oo dhinaca kale ka warbixiyay Shirkii uu lasoo qaatay Xukuumadda Ethoipa ayaa waxa uu sheegay in ujeedka Shirkaasi uu ahaa in meel looga soo wada jeesto Al Shabaab iyo Xaqiijinta amaanka dalka.

Ciidamo ka socda dalalka Dariska oo ku howlgala magaca AMISOM marka laga reebo Ethiopia ayaa ku sugan gudaha wadanka soomaaliya kuwaasi oo taageero siinaya dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Dowlada ayaa hada waxaa ku socda tababaro ku aadan qalabeynta ciidanka,sida ay horay usheegeen saraakiisha dhanka ciidanka ee Dowladda Soomaaliya.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: