Calendar

Qarax Xalay lagu weeraray Ciidamada Booliiska Magaalada Boosaaso.

bamkaBartamaha(Boosaaso):-Kooxo aan la garan ayaa Xalay bam gacmeed ku tuuray Ciidamo Booliiska ka mida kuwaasi oo ku sugnaa agagaarka Xarunta Dowlada Hoose ee Magaalada Boosaaso.

Ill Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Qaraxa oo ahaa Bamka gacanta laga tuuro oo lagu weeraray Controlka Booliiska ay ka jogaan Xarunta Dowlada Hoose.

Qaraxa ayaa laga maqlay Magaalada iyadoo rasaas ay fureen Ciidamada Booliiska la weeraray aanay jirin wax waxyeela ah oo ay geysatay marka laga reebo ganacsiga Magaalada oo daqiiqado ku xermay.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa xiliga uu dhacayaya uu goobtaasi ku sugnaa gaari uu lahaa Sargaal Booliiska Boosaasoo ka mida kaasi oo ku sigtay qaraxa.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

 

 

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: