Calendar

Saraakiisha Dowlada Gobolka Hiiraan oo sheegtay gacan ku haynta Magaalada Balad-Weyne

dabagedBartamaha(B/Weyne):-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo Saxaafada qadka Telfonka kula hadlayay ayaa waxa uus heegay in ay la wareegeen Magaalada Balad-Weyne.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Dagaal xoogan ay Magaalada uga saareen Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam islamarkaana haatan ammaanka ay Ciidamada Dowlada gacanta ku hayaan.

Dabageed ayaa Ciidamada Dowlada ugu baaqay in aanay samaynin wax ammaanka wax u dhimaya isagoo uga digay farataysi ama dhac ay u geystaan goobvaha ganacsiga Balad-Weyne.

Hadalka Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xilli weli magaalada duleedkeeda ay isku horfadhiyaan Ciidamada Dowlada iyo Xizbul Islaam oo isku riiqmay islamarkaana isku taagwaayay oo haatan Nasasho ku jira iskuna ridaya rasaas teel-tel ah.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: