Calendar

Qarax xalay lala beegsaday Dhismaha UNDP Muqdisho

722Bartamaha (Muqdisho):- Qarax xoog badan oo xalay ka dhacay xarunta UNDP ayaa laga helayaa faahfaahin hor dhac ah.

Qaraxa xalay oo laga shakisan yahay waxa uu ahaa ayaa waxa uu si toos ah ugu dhacay dhismaha qeybta Xafiisyada Ee Xarunta UNDP Muqdisho halkaasi oo goobaha u dhow oo dhan ay daganyihiin Ciidanka Amisom.

Qaraxa oo Bambaano ka cuslaa marka jugtiisa iyo waxyeeladiisa loo eego ayaa waxa uu dusha sare uga soo dhacay dhismaha UNDP gaar ahaan Xafiiska ay madaxda fariistaan oo inta badan burbur xioog badan uu gaaray.

Dhismaha oo ahaa mid aan shub ahayn ayaa waxaa la sheegay in dushiisa uu ku soo dhacay Bam wax la moodo balse aan la garan waxaana goobta ka dhashay qasaari hantiyeed oo aad u xoogan.

Xafiiska ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu intiisa badan burburay waxaana goobta ku dhamaaday Compiuteradii ay ku shaqeynaysay Hay’ada oo qaraxa uu saameeyay sida ay xaqiijiyeen qaar ka mida shaqaalaha UNDP.

Rasaas xoogan ayay mar qura wada fureen Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom marka qaraxa uu ka dhacay gudaha xarunta iyadoo laga shakiyay in qaraxa uu yahay mid Miino gudaha ka qaraxda ah wallow la ogaaday in uu ahaa Wax kor ka soo dhacay.

Illaa haatan wax war ah oo ka soo baxay Hay’ada UNDP ma jiro waxaana shaki laga qabaa Ciidanka Amisom oo dagan hareeraha dhismaha qaraxa lala beegsaday oo daaraha ka sareeya dhismahaasi dagan.

Ammaanka goobta ay hay’ada dagan tahay ayaa waxaa bilowgii sanadan soo dagay Ciidanka Amisom oo daaraha dhaadheer oo idil dagay iyadoo wixii xiligaasi ka danbeeyay ammaanka uu noqday mid la isku halayn karo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: