Calendar

Qorshihii Fashilmay ee Iibinta Badda Soomaaliya oo Lagu Eedeeyey Walad Cabdalla, C/raxmaan Ibbi iyo Shirkad Norwegian ah (Xog Xasaasi ah)

saxiixyadaBartamaha — Waxaa markii ugu horeysay shaaca laga qaaday in qorshihii fashilmay ee badda Soomaaliya looga iibin lahaa Kenya ay gar wadeen ka ahaayeen ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdalla, Wasiirka kalluumeysiga DKMG C/raxmaan Ibbi iyo shirkad Norway laga leeyahay oo shidaalka baarta.

Bishii May 12-keedii 2010, ayaa wakaalada wararka Qaramada Midoobay lagu daabacay in barlamanka Soomaaliya uu diiday waxa lagu tilmaamay heshiis is afgarad ah oo dhexmaray DKMG ee Soomaaliya iyo dowlada Kenya kaasi oo qexaya in qeyb ka mid ah dhul biyoodka koonfurta badda Soomaaliya la siiyo Kenya. Warbixintaasi oo ka dambeysay dood golaha barlamanka ku meel gaarka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kuna diideen heshiiskaasi.

[Akhri liiska wadama gudbiyey heshiisyada badda]

http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_preliminary.htm#%282%29_

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa todobaadkan markii ugu horeysay ku dhawaaqay go’aan dadka Soomaaliyeed ka farxiyey ka dib markii goluhu uu buriyey heshiiska is afgaradka ah ee dhexmarey DKMG Soomaaliya iyo Kenya kaasi oo dadka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah u arkeen mid khatar weyn ku ahaa jiritaanka xuduudaha badda ee Qaranka uu lahaa.

Masuuliyiinta DKMG Soomaaliya ayaa sida lala wada socdo, horey ugu adkeystey in heshiiska is afgradka aanu waxba u dhimeyn xuduudaha badda ee Soomaaliya xaqa u leedahay, iyagoo difaacaya qorashahan shirqoolka ah ee ay sida deg dega ah ku galeen.

Haddaba sidee wax u dheceen?

C/raxmaan Ibbi oo ka been abuurtay saxiixa Cumar C/rashiid!!!

Waxaa soo baxday in heshiiskaasi is garadka ee dhexmarey DKMG Soomaaliya iyo Kenya bishii Aprill 2009 lagu saxiixay magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ahaa shirqool ay maleegeen ergeyga gaarka ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, wasiirka kalluumeysiga ee DKMG ahna raisul wasaare ku xigeenka iyo shirkad ka shaqeysa hawlaha shidaal baarista oo laga leeyahay dalka Norway.

Warbixin lagu daabacay barta internet-ka ee UN-ka.

Waxay warbixintu si cad u sheegtay in heshiiskan uu ahaa mid mugdi badani ku jiray isla markaana masuuliyiinta DKMG Soomaaliya ay cadeyn ka bixin waayeen waxa uu dhab ahaan ku saabsan yahay heshiiskan. Waxayna warbixintu tiri,

Turjumaad English & Soomaali

“From the [beginning, many] Somalis were furious about the Memorandum of Understanding (MoU), saying “Somali territorial waters would have been lost had this MOU succeed”. And any where that the Somali TFG delegations travel they were confronted by angry citizens asking them “why did they sign that MOU” and demanding answers from them”.

“Tan iyo bilawgiiba, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ka welwelsanaa heshiiska is afgaradka [MOU] iyagoo sheegaya in dhul ka mid ah badda Soomaaliya uu lumi doono haddii MOU uu meelmaro. Meel kasta oo ay wufuuda DKMG Soomaaliya ay safaro ku tagaan waxaa ka hor imaanayay muwaadiniin careysan oo su’aalaya SABABTA AY U SAXIIXEEN MOU, waxayna dalbanayeen jawaab”.

While many Somali lawmakers (MPs) were criticizing the government about the controversial MOU with Kenya, and hand full of TFG ministers were shying away from defending it, Deputy Prime Minister ( he is also Minister of Fisheries and Marine Resources) Abdirahman Adan Ibbi (AKA Prof. Ibbi) became the biggest lobbyist for the MOU – Weird huh!

“Halka kuwo badan oo ka mid ah sharci dejiyaasha Soomaalida (barlamanka)  ay ku cambaareeyen DKMG MOU ay la gaartay Kenya. Tiro yar oo ka mid wasiirada DKMG Soomaaliya ayaa ka xishooday inay difaacaan heshiiskan. Raisul wasaare ku xigeenka (isla markaana ah wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda) C/raxmaan Aadam Ibbi oo loo yaqaano [Prof Ibbi] ayaa noqday  ninka ugu weyn ee u ololeeya MOU- Weird huh!”

Prof. Ibbi fought very hard so that the MOU would go forward. In doing so he wrote a letter* to Ban Ki Moon on August 19, 2009 supporting the MOU – it was after the Somali parliament rejected the same MOU (and voted down on August 1, 2009).

“Prof. Ibbi waxaa uu si adag ugu halgamay sidii uu ku socon lahaa heshiiskan is afgaradka ah [MOU] isagoo warqad u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon 19 August 2009 isagoo taageeray MOU. Waxay xilligaas  ahayd wax yar ka dib markii barlamanka Soomaaliya uu diiday heshiiska MOU una codeeyey in ‘MAYA’ 01 August 2009.”

What is serious about that letter was: it was signed by him, Prof. Ibbi, but is says it was written by TFG Prime Minister Omer Abdirashid Ali Sharmarke who was out of town at the time. When that letter became public Prof. Ibbi started to fade away into the background.

Prof. Ibbi had a backing of the TFG president Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, who also defended the MOU .

“Waxaa aadka halista u ah ayaa ah in warqado uu saxiixay Prof. Ibbi uu ku tilmaamay inay yihiin saxiixa raisul wasaaraha KMG Cumar C/rashiid Cali Sharma’rke oo xilligaasi ka maqnaa magaalada (Muqdisho). Markii warqadaasi uu qoray (Prof Ibbi) la ogaaday wuxuu Prof. Ibbi bilaabay inuu ka baxsado”.

“Prof. Ibbi waxa uu heystaa taageerada madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isaga laftiisa difaacay heshiiska MOU”.

When the Somali PM Sharmarke realized that his deputy used his name, he (Sharmarke) wrote his own letter to Ban Ki Moon on October 10, 2009, supporting the Parliament decision. The funny thing is, Sharmarke’s office did not send that letter to The Secretary-General of UN as they should. Much later, realizing again, Sharmarke handed the letter to Somalia’s Foreign Minister, Ali Jama Jangali so that he could hand deliver to Ban Ki Moon or at least send through appropriate channel.

kenya-somalia-agree“Markii raisul wasaaraha Soomaaliya Sharma’rke uu ogaaday in ku xigeenkiisa (Prof. Ibbi) uu isticmaalay magaciisa, waxaa uu raisul wasaaruhu qoray warqad uu u diray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon 10-kii October 2009 isagoo ku taageeray go’aankii barlamanka Soomaaliya (ee lagu diiday heshiiska MOU). Arinta xiisaha leh ayaa ah in xafiiska raisul wasaare Sharma’rke aysan warqadan u dirin Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay sidii ay horey u sameyn jireen.

Waqti badan ka dib markii raisul wasaaruhu ogaaday arintan, markale ayaa raisul wasaare (Sharma’rke) waxaa uu warqada u dhiibay wasiirka arimaha dibada Cali Axmed Jaamac Jangali si uu ugu gudbiyo Xoghayaha guud ee QM ama ugu yaraan uu ugu diro wadada saxda ah”.

Nobody knows whether Jangali handed that letter to The Secretary-General – at least it was not posted at the UN website as they did the previous letters regarding the same MOU”.

“Cidna ma oga in Cali Jangali (wasiirka arimaha dibada DKMG) uu warqada u diray Xoghayaha guud iyo in kale. Ugu yaraanse warqadaasi laguma soo daabicin website-ka UN-ka sidii horeyba loogu daabicijiray warqadaha ku saabsan MOU”.

While all these were going on, a group of Somali lawmakers, who were fed up with government, sent their own letter to Ban-Ki Moon asking him not to accept the controversial maritime deal between Kenyan and Somalia and remind him that Somali Parliament rejected it. Again that letter also was not posted at UN website and as far as we aware of, The Secretary-General of the United Nations did not respond the Somali MPs’ letter – at least he did send reply back.

“Waqtiga ay arimahan oo dhan socdaan, koox ka mid ah sharci dejiyaasha Soomaalida (barlamanka)  oo qaatiyaan ka taagnaa dowlada ayaa warqadu diray Xoghayaha guud ee QM iyagoo ka codsaday inuusan aqbalin heshiiska badda ee muranka dhaliyey ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya iyagoo xusuusiyey in barlamanka Soomaaliya uu diiday. Mar labaad warqadaasi ka timid barlamanka Soomaaliya laguma daabicin website-ka UN-ka sida aan la socon. Xoghayaha guud ee QM kama soo jawaabin warqada ka timid xubnaha barlamanka Soomaaliya- sidii uu horeyba u yeeli jiray”.

We do not know what did it or which letter reached at the Ban Ki Moon’s desk. But we do know that there was an update at UN website on 12 March 2010 stating that: “The MOU has been rejected by the Parliament of the Transitional Federal Government Somalia, and is to be hence treated as non-actionable.

This has been a huge relief for Somalis in general as they realize that the MOU between Somalia and Kenya is non-actionable – which in legal term means NULL & VOID.

“Ma garan karno waxa dhacay iyo warqada gaartay xafiiska Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon. Laakin waxaan ognahay in warqada diidmada barlamanka Soomaaliya lagu soo daabacay website-ka UN-ka 12 March 2009, taasi oo sheegeysa in heshiisk MOU ay diideen xubnaha barlamanka Soomaaliya, loomana arki doono mid sharci ah.

“Arintan waxay neef weyn ka soo fujisay dadka Soomaalida guud ahaan iyagoo u qaatay in MOU dhexmaray DKMG Soomaaliya iyo Kenya uu yahay WAXBA KAMA JIRAAN”.

Somalis think this is very good statement from UN headquarters, why? The MOU between Somalia and Kenya had a backing of UN Somalia Office (based mainly in Nairobi Kenya). This has been a concern for Somali people. And that is why many believe that UN Headquarters did not acknowledge quickly when Somali Parliament rejected the same MOU”.

“Dadka Soomaalida ayaa u heysta in arintan ay war wanaagsan xitaa u tahay xarumaha QM, sabab?. Heshiiska MOU ee u dhexeeyey DKMG iyo Kenya waxaa taageeray xafiiska Siyaasada QM ee u qaabilsan [UNPOS] (fadhigiisuna yaay Nairobi. Arintan waa welweka ugu weyn ee Soomaalida taasina waa sababta ay dad badan oo Soomaaliyeed u aamineen in xarumaha laga maamulo QM sysan u soo dhoweyn si deg deg ah markii barlamanka Soomaaliya uu diiday isla MOU”.

This is also a news dawn for Somali political system, some say, as members of parliament realize that they can overrule any law (for Somalia) even if the president doesn’t approve it. There had been even a talk to impeach the Somali parliament speaker, Sheikh Aden Mohamed Nur (AKA Aaden Madoobe) as he did not act swiftly when the TFG government started the maritime MOU between Somalia/Kenya.

“Waxay arintan sidoo kale waa’ cusub u tahay siyaasada Soomaalida, dadka qaar ayaa sheegaya iyadoo xubnaha barlamanka Soomaaliya ay garowsadeen inay meelmarin karaan sharci kasta xitaa haddii uusan madaxweynuhu aqbalin. Waxaa sidoo kale jira dacwado ka dhan gudoomiyaha barlamanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur [oo loo yaqaano Aadam Madoobe] isagoo lagu eedeynayo inuusan wax tallaabo ah ka qaadin markii DKMG ay bilawday inay gasho heshiiska badda ee Kenya iyo Soomaaliya”.

[EEG SAXIIXA PROF IBBI KAGA BEEN ABUURTAY RAIISAL WASAARE CUMAR C/RASHIID]
saxiix 2(Warqadda Saxiixan oo PDF ah som_re_ken_clcs35)

[SAXIIXA RASMIGA AH EE RAIISAL WASAARE CUMAR C/RASHIID]

saxiix 1(Warqadda saxiixan oo PDF ah –
som_2009_letter)

Heshiiska MOU [Memorundum Of Understandin] oo kooban

Heshiiska dhexmaray DKMG Soomaaliya iyo Kenya, waxaa la saxiixay bishii Aprill 2009. dhinaca Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame halka dhinaca Kenya uu u saxiixay wasiirka arimaha dibada Moses Wetangula.

Heshiiskan oo ahaa mid si deg deg ah looga saxiixay DKMG Soomaaliya ayaa qeexayey in dhul 90-degree oo ka mid ah badda koonfureed la siiyo Kenya, taasi oo micnehuudu ahaa in DKMG Soomaaliya aysan u doodi arin dhulkaas haddii Kenya ay shidaal ka baarato.

Sida cad heshiiskan waxaa gadaal ka riixayey ergeyga gaarka ee QM Axmed Walad Cabdalla iyo shirkada Norwegian Petroleum Directorate oo ah shirkad ku lug leh baaritaanka iyo qodisya shidaalka kywaasi oo ahaa dullaaliinta dooneysay inay ka macaashaan dhulka Soomaaliyeed.

[Hoos ka akhri warbixin ku sabsan arintan]

http://www.innercitypress.com/los1somalia041909.html]

Axmed walad Cabdalla ayaa ahaa ninkii ku dhiiri geliyey heshiiskan khiyaanada ah in DKMG ay gasho isagoo uga faa’ideystay aqoon dari madaxda DKMG ka heysatay dhinaca badda iyo masuuliyiinta DKMG oo xilligaasi ku cusbaa xilka maadaama madaxweynaha laftiisa (Sheekh Shariif) lagu doortay Djibouti 30-kii January 2009.

[Akhri Qoraalka heshiiska MOU ee lagu shaaciyey barta UN]

www.un.org/Depts/los/clcs_new/…files/…/som_2009_mou.pdf

Haddaba, marka la eego micnaha dhabta ah eek u jira ujeedada laga lahaa heshiiskaasi ayaa ah mashruuc la doonayey in lagu iibsado badda Soomaaliyeed iyadoo loo adeegsanayo awood dowladeed, waxaana ay dhamaanteed isugu soo biyo shubaneysaa ‘Qaranka Soomaaliya oo ka badbaaday khiyaano weyn oo loo maleegay’!!!!

Xigasho: Warbixintan waxaa soo diyaariyay  RBC Radio team Abdalle Muumin  & Farah Atto

Comments

comments

Category : Featured, REPORTS, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: