Calendar

Ra’iisul wasaarha Somaliya oo Madaxweynaha Kenya kala hadlay sidii loo xoojin laha xiriirka labada dal (sawirro)

Ra’iisul wasaaraha Somaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo boqasho ku jooga dalka Kenya ayaa kullan kula qaatay magaalada Nairobi madaxweynaha dalkaasi mr. Uhuru Kenyatta, labada masuul ayaa la sheegay inay kulankoda diirada kus aareen xoojinta xiriirka labada dale e dhinacyada Siyaasada, Amniga iyo Ganacsiga.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa madaxweynaha Kenya uga xog waramay horrumarada ay ku talaabsatay dowlada Somaliya, waxaana uu amaanay dowrka ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ka qaateen dabar goynta kooxaha nabad diidka ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dadka Kenya sida ay qaxootiga soomalida ah ugusoo dhoweeyeen dalkooda, waxaana uu uga tacsiyeyay madaxda iyo shacabka Kenya dadkii ku geeriyoday weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday degmada Mpeketoni ee Lamu.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa ballan qaaday in dowladiisa ay ka go,antahya sidii ay ay Soomaliya uga gacan siin lahayd dib usoo noolaynta kala damaynta iyo horumarka dalka.

“ Kenya iyo Somaliya waa walaalo waana saaxiib, waxaana naga go,an inaan sii xoojino xiriirka iyo iskaashiga naga dhexeeya, si taa looga dhabeeyo waxa uu qorshaheenu yahay in dhowaan aan magaalada Muqdisho dib uga furano safaaradeenii. Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

IMG_34591 IMG_34711 IMG_34731 IMG_34891 IMG_34941 IMG_35041 IMG_35051 IMG_35171 IMG_35211 IMG_351111

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: