Calendar

Nigeria oo guul gaartay, Ghana oo Jarmalka cashar bartay iyo Argentina oo silic ku badisay (sawirro)

Xulka Nigeria ayaa ka guulaystay Bosnia-Herzegovina, taasi oo usahashay inay noqdaan xulka ku xiga Argetine oo usoo gudba wareega 16-ka waxaana halkaasi uga hartay cayaarta xulka Bosnia-Herzegovina.

Qaybtii hore ee cayaarta ayaa Nigeria waxaa usuuta gashay inay la timaado gool, waxaana shabaqa ku hubsaday cayaaryahanka Odemwingie, iyadoona cayaartu ku idlaatay goolkaasi oo qura dhibacaha Nigeia ka dhigtay afardhibcood.

Dhinaca kale Xulka Ghana oo kullankodi hore la kulmay guuldaro, ayaa habeenkii xalay cashar udhigtay xulka Jaramalka oo kamid ah wadamada lagu shaki qabo inay koobka gacanta ku dhigaan.

Cayaarta oo ahayd mid xiiso leh, waxaa labada dhinac ay soo bandhigeen fursado la isdhihi karay goolal ayaa ku imaan kara, inkastoo qaybtii hore e cayaarta kusoo idlaatay 0-0.

Kadib markii dib la isuguso laabtay qaybtii dame ayaa xulka Jarmalka la yimaadeen gool, hurdada ka kiciyey xulka Ghana, waxaana daqiiqado kadib cayaaryahanka Ghana Andrew Ayew uu kubad madaxa ahayd ku hubsaday shabaqa jaramaka.

Ghana intaasi kuma harin waxa ay sii waday wacadaraheeda waxaana daqiiqado kadib goolka labaad Ghana u dhaliyey cayaaryahan Asomah, inkastoo Jarmal-ku marka la yimaadeen gool taasi oo cayaarta bar bar dhac kadhigtay.

Labada xul ee kasocada Africa waa Nigeria iyo Ghana ayaa aad ugu dhow inay usoo baxaan wareega 16-ka ee caayraha koobka adduunka.

Waxaa sidoo kale xalay fooda isdaray xulalka Argetine iyo Iraan, inkastoo caayrta la isku mari wayey hadana waxaa qaybtii dame ee cayaarta xulka Argetine usuurtowday inay hal gool uga badiyaan Iraan waxaana goolka u saxiixay cayaaryahanka Lional Messi.

article-2664718-1F00A5F400000578-722_634x449 article-2664718-1F00AA0900000578-458_634x490 article-2664718-1F00ACC100000578-74_634x412 article-2664718-1F009C0000000578-223_634x417

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: