Calendar

Roobab Mahiigaan ah oo Xalay ka da’ay Magaalada Gaal-Kacyo

roobBartamaha(Gaal-Kacyo):-Roobab lagu diirsaday ayaa Xalay muddo dhowre sana ah ka dib ka da’ay Magaalada Gaalkacyo.

Kadib Abaaro darran iyo roob la’aan ka jirtay deegaanada Gobolka Mudug ayaa waxaa xalay roob u da’ay dadka reer Gaalkacyo oo rob la’aan haysay.

Dhibicda roobka ayaa waxa ay ku hoortay Gaalkacyo iyo deegaanada u dhow oo muddo sanad ka bahan aanu ka di’in roobka xiliga Go’ga oo xalay ka da’ay magaaladaasi.

Wadooyinka waxaa biya dhigay roobka lagu diirsaday ee Xalay ka da’ay Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug o maanta isku socodka dadka iyo gaadiidka uu hakad ku jiray.

Dhammaan wadooyinka waxaa xeray Biyaha roobka oo dagay Wadooyinka Muhiimka ah taasi oo sababtay in gaadiidka ay ku adkaato maritaanka wadooyinka.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: