Calendar

Xaalada Gobolka Galgaduud oo Saaka dagan iyo khasaaraha dagaalka ka dhashay oo sii kordhaya.

41Bartamaha(Galgaduud):-Xaalada Deegaanada shalay gabal dhicii dagaalka qaraar uu ka dhacay ayaa saaka dagan waxaana sii kordhaya qasaaraha dagaalka.

Xaalada Gobolka Galgaduud ayaa saaka ah mid dagan sida ay sheegayaan dadka Deegaanada dagaalada shalay ay ka dheceen Ee Gobolkaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya ayaa shegaya in khasaaraha dagaallka labada dhinac uu sii kordhayo waxaana geerida la sheegay in ay gaarayso 18-ruux halka 30-kalana ay ku dhaawacmeen oo u badan dhinacyada dagaalamayay.

Dagaalka shalay dhacay waxaa guula ka kala sheegtay Kooxaha ku dagaalamay Deegaanada Masagawaay iyo Buracle oo ka wada tirsan Gobolkaasi Galgaduud.

Saraakiil sare oo u hadashay kooxda Al-shabaab ayaa sheegay in gacan ku heynta deegaannada Masago-waay iyo Galcad ayna laayeen saraakiisha ahlu sunnah.

Muddo yar ka dib waxaa arinkaasi beeniyay Mas’uul u hadlay AHlu sunnah Waljameeca kaasi oo sheegay in dagaalka uu ka dhacay duleedka Deegaanada ay soo weerareen shabaabka.

Sheekh Cumar Buraalle oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gudiga fulinta Ahlu Sunna Waljameeca ayaa warbaahinta u sheegay in deegaannada Masago-waay oo dagaallka xoogiisu ka dhacay ay hadda gacanta ku hayaan Culimada Ahlu Sunna Waljameeca.

Masuulkan waxa uu sheegay in ay fashiliyeen qorshaha shabaabka ay doonayeen kaasi oo ahaa in ay la wareegaan Masagawaay si ay deegaano kale u wajahaan.

Dad ku sugan  Goballka Galgaduud ayaa u sheegay in Isbitaallo ku kala yaalla degmooyinka Ceel-buur iyo Caabud-waaq la kala dhigay dhawaaca Xoogaggii dagaallku dhaxmaray.

Ma jirto cid si rasmi ah u cadayn karta guusha ay kala sheeganayaan labada Koox oo Idaacadaha ka dhigtay rugta ay ku wada faanaan dhiiga shacabka ee daadanaya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: