Sababata igu kaliftay in aan u ololeeyo in Af Soomaaligu ka dhexmuuqdo Aqalka Xarunta Minnesota State

Posted on Sep 8 2009 - 4:32pm by News Desk
Tweet
Pin It
wardheere

Maxamuud Wardheere wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee u orda jagada duqa magaalada Minneapolis

Guriga  Minnesota state looga taliyo waa guriga saddexaad xagga weynaanta marka la eego guryaha xarumaha dalka maraykanka waana guri aad u qurux badan.  Gurigan waa guriga lagu sameeyo dhamaan shuruucda lagu dhaqo reer Minnesota.

Waa hoyga golayaasha sharci dejinta Minnesota iyo governorkaba. Gurigan waxaa uu astaan u yahay taariikhda iyo jiritaanka Minnesota.  Waxaa soo booqda dad aad u fara badan maalin kasta.  Dadkaasi waxay ka kala yimaadaan Minnesota iyo caaalamka kale.

Gurigan waxaa la dhisay 1905 waxaana dhisay ninka la yiraahdo Cass Gilbert oo ah ninkii dhisay dhismaha US Supreme Court isla markaana looga dayday farsamada  dhismaha guryaha dhaadheer ee New York iyo caaalamkaba. Gurigan waxaa uu u diyaarshay soo booqdayaasha buugaag yar yar  oo ku qoran ilaa 24 luqadood.

461px-Minnesota_Capitol_domeAnigoo ka mid ah dadka aad u jecel farta Soomaaliyeed sababata igu kaliftay in aan u ololeeyo in af soomaali lagu daro waxay ahayd markaan ogaaday inuusan af Soomaali ama far Soomaali aanay ku jirin 24 kaas luqadood.  Waxaa ka sii daran in luqadadahaasi badankood dad badan oo ku hadlaa aanay ku noolayn Minnesota.

Waxaa kale  oo jira in Soomaali aad u fara badan ku nooshahay Minnesota iyo in afkaaga uu ka mid yahay awoodaha siyaasadeed iyo dhaqameed ee ay umadi leedahay.

Ugu danbayntii  anigoo ka mid ahaa dadkii aad uga soo shaqeeyey sumcadda Soomaalida ku nool Minnesota inay heer sare noqoto waxaa aan dhibsaday sida sumcadda Soomaalida Minnesota loo dhimay  gaar ahaan sidii loo waayey koox dhallinyaro ah oo ka mid ahaa Soomaalida Minnesota, taas ayaana igu sii dhiirisay in aan turjumo anigoo filayo inay arrintan wax uun ka tarto.

Nasiib wanaag ururka keydin taariikhda Minnesota oo loo yaqaan Minnesota historical society ayaa iga aqbalay   Waxaa aan filayaa in af Soomaaliga oo ka dhexmuuqda caasimadda gobolka ay noo keeni doonto awood siyaasadeed iyo iyo mid dhaqanba

Qofkii Soomaali ah oo booqda Xarunta Gobolka Minnesota waxaan kula talinayaa in uu weydiisto koobi af Soomaali ah xataa hadii uusan garanayn sida loo aqriyo far Soomaali ama uu yaqaan af Ingriisi ku filan sababtoo ah waa astaantaada iyo kaydka dhaqankaaga iyo wax lagu farxo.

Waxaan u mahad celinayaa asxaabtayda ogeysiinta bulshada iga caawisay eek ala ah Somali Action Alliance team, Shaaf iyo kooxdiisa, Xuseen Samatar, Aamaan, Wiilwaal iyo gudoomiyaha aqalka senate-ka Minnesota Senator Pogimiller.

Bal fiiri siyaasiyiinta Minnesota wargayskooda sida uu u ogaaday saamaynta farta Soomaaliga ee laga helo xarunta Minnesota.

http://www.politicsinminnesota.com/2009/sep01/3625/capitol-literature-now-available-somali-language

Maxmuud Nuur Wardheere

Faribault   MN  USA

[email protected]