Calendar

Shabaab oo Hubkii ka dhigtay Maleeshiyadii Xasan Daahir Aweys

hubka dhigisBartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa Hubkii ka dhigtay Ilaaladii gaarka ahayd Xasan Daahir Hogaamiyihii awooda laga qaaday Ee Xizbul Islaam.

Maleeshiyaadka shabaab ayaa dhammaan Hubkii kala wareegtay Maleeshiyada Xizbul Islaam oo maalin ka hor si rasmi ah isugu dhiibtay Kooxda Alshabaab waxaana haatan bilowday dhimida awoodii muuqatay ee Kooxda.

Waxaa dhammaan shibil laga dhigay Maleeshiyadii haysatay Ceelasha Biyaha Illaa Afgooye oo uu si gaar ah u lahaa Xasan Daahir Aweys waxaana hadal u jeediyay iyagoo shacab ah Amiir Xigeenka shabaab Abuu Mansuur.

Mukhtaar Roobow oo si gaar ah Hubkii uga dhigay Maleeshiyadii ku sugnayd Afgooye iyo Carbiska ayaa waxa uu Khudbad dhinacya badan taabanaysa ugu jeediyay Deegaan duleedka ka ah Degmada Afgooye.

Hubkadhigista lagu sameeyay ciidanka Xizbul Islaam ayaa imaanaysa xilli hore loo waayay awoodii garab hore shabaab u noqday oo uu hopgaamin jiray Xasan Turki oo aan meel uu jaan iyo cirib dhigay la arkin.

Garabka hada ugu danbeeyay ee haystay magacii Xizbul Islaam ayaa durbaba lagu bilaabay in awoodooda hoos loo dhigo iyadoo Hubkii laga qaday askartii ugu dhawayd wadaadkii haystay Kooxdaasi ee ahaa Xasan Daahir Aweys.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: