read more »">
Calendar

Ra’iisul wasaare Gaas oo mar kale ka dhawaajiyay inuu tagayo Puntland oo uu sharraxanyahay madaxtinnimada

gaaaasIsagoo dhawaanahanba ku sugnaa magaalada Addisababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa Cabdiwali uu sheegay inuu horumar gaarsiin doono ku salaysan dimuqraadiyad iyo rabitaanka shacabka dadka Puntland hadii loo doorto xilka madaxweynenimo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali Gaas oo dhowaan sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland doorashada dhaceysa bisha Janaayo ayaa sheegay inuu dhowaan booqanayo deegaanada gobolka.

Prof. C/wali Gaas ayaa sheegay inuu booqanayo laga soo bilaabo Boosaaso ilaa Galkacyo, isla markaana uu la hadlo dadka deegaanka, ra’yigooda iyo fikirkooda uu soo qaato, isagoo xusay inuu wareysanayo dadka deegaanka.

C/wali ayaa la filayaa inuu caawa soo gaaro magaalada Nairobi oo uu horay ugu sugnaa Cali Cabdi Awaare oo isna kamid ah musharrixiinta ku dhawaaqay inay la tartami doonaan madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole oo haatan xilka haya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: