Calendar

Shil dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo maanta ka dhacay Buurhakaba.

 

shil-gaariBartamaha(Buurhakaba):-Shil gaari dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta ka dhacay Duleedka Degmada Buurhakaba.

Shilka ayaa waxa uu ahaa mid dhashay ka dib markii uu wadada ka baxay gaari nuuca Homeyga ah oo dad badan ay saarnaayeen kaasi oo ka dibna rogmaday.

Afar qof ayaa dhintay markii uu ku dul fariistay gaariga waxaana dhaawac ahaan goobta looga qaaday 10-qof oo dhaawacyo halis ah gaaray.

Shilka ayaa waxa uu u dhacay qaab la yaab leh ka dib markii gaariga oo saddex jeer iska dul booday taasi oo dadkii nolol ahaan badbaaday ay sheegen in jihada uu ka dhumay maadaama gaariga uu xawaare sare ku socanayay.

Darawalada gaadiidka ayaa waxa dusha laga saaraa sababta inya badan dhalisa shilalka ka dhaca wadooyinka aan dayactirka Helen eek u yaala Gobolka Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: