Calendar

Cabsi dagaal oo ka taagan Duleedka Magaalada Baladweyne.

ceeldherBartamaha(Balad-Weyne):-Cabsi dagaal ayaa maanta laga dareemayaa duleedka Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo.

Xaalada Deegaanada duleedka ka ah Magaalada Baladweyne ayaa laga dareemayaa Cabsi dagaal ka dib markii Cidiamo iska soo horjeeda koox waliba ay soo dhoobtay deegaanada.

Ciidamo badan ayaa la soo dhigay Deegaanka Kalabayr halkaasi oo ay Ciidamo Ethiopian ah soo saldhigteen si ay u caawiyaan Ciidamada Dowlada oo doonaya in ay weerar ku qaadaan Baladweyne.

Ciidamada Dowlada iyo Ahlu sunnah ayaa waxa ay doonayaan in ay dhawaan weerar ku wajahaan Magaalada Baladweyne si ay ula wareegaan ammaanka guud ee magaaladaasi oo xiligan ay ka taliyaan Xizbul Islaam.

Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam ayaa u dhaqaaqay duleedka magaalada si ay isaga caabiyaan dagaal ay ku soo wajahi karaan Ciidanka Dowlada iyo Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca.

 wixii ku soo kordha dhaqdhaqaaqaasi kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: