Shil gaari qasaara nafeed geystay oo saaka ka dhacay Wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Posted on Nov 21 2009 - 7:18am by News Desk
Tweet
Pin It

shiiiiBartamaha(Muqdisho):-Shil gaari dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ayaa saaka ka dhacay wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo dhawaanahan ay gawaarida ku soo bateen.

Illaa 2-qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen iyadoo 3-kale ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dheceen gaari nuuca Homeyda ah iyo gaari Waaraad ah .

Shilka ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Ceelasha Biyaha iyo Siinka dheer halkaasi oo ay iskula dheceen labada gaari oo xawaare sare ku socanayay sida ay www.Bartamaha.Com u sheegeen qaar ka mida dadka deegaanka.

Shilka gaariga ee ka dhacay wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid sababtiisa loo aaneeyay Xawaare sare oo labada gaari ay ku socanayeen taasi oo keentay in ay isku dhacaan.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

 

 

Â