Calendar

Shir looga hadlayay Argagixisada oo ka dhacay Kampala.

wBartamaha (Kampala):- Shir looga hadlayay arimaha argagixisada ku sii kordhaysa Soomaaliya ayaa ka dhacay Magaalada Kampala ee dalkaasi Ugandha.

Shir ka dhacay Magaalada Kampala oo ay ka qeybgaleen saraakiil sar sare oo dhanka ammaanka qaabilsan iyo Odayaal iyo waxgarad Soomaaliyeed ayaa looga hadlay korodhka Xoogaga Al-qaacida taageersan ee ku sii xoogaysanaya Geeska Afrika.

Kulanka ka dhacay Magaalada Kampala ayaa waxaa lagu faaqiday wax ka qabashada Islaamiyiinta awood ahaan gacan siiya Al-qaacidada ku dhuumaalaysanaya wadanka geeska afrika dhaca ee Soomaaliya.

Odayaal iyo Siyaasiyiin si qota dheer uga war haaya awooda Alshabaab iyo ajaanibta barbar safan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa mudnaanta 1-aad laga siiyay Kulanka ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Ugandha.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ayaa shirka waxa ay ka cadeeyeen qaabka ay awooda u heleen shabaabka iyo halka ay Hubka iyo dhaqaalaha culus ka helaan si ay dagaalka uga sii wadaan dalka gudihiisa.

Madaxa sirdoonka dalka Uganda  James Mugira oo saxaafada la hadlayay ayaa daaha ka rogay in Odayaasha ay shirka ka cadeeyeen awooda shabaabka iyo ajaanibta la socota taasi oo fure u noqon karta dagaal lagu tirtirayo Kooxdaasi.

Masuulkan Sirdoonka Ugandha u hadalayay ayaa waxa uu xusay in shabaabka Soomaaliya jooga ay dhibaata badan ka wadaanm dalka islamarkaana ay yihiin koox isku duuban oo Al-qacida uga wakiil ah geeska Afrika.

Shirka Argagioxsada looga hadlayay ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Madaxa la dagaalanka Al-qaacida iyo Daalibaan Ee Qaramada Midoobe Midoobay Richard Barrett ayaa waxa uu isaguna xusay in Al-qaacida ay dhaqdhaqaaq ka wadaan dalka Soomaaliya.

Masuulka Qaramada Midoobe u qaabilsan la dagaalanka Al-qacida  Richard Barrett ayaa waxa uu daaha ka rogay in qorshe la dagaalanka Kooxdaasi ay dhawaan ka bilaabayaan geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Shirkan ayaa loo balamay todobaadyada soo socda waxaana mar kale lagu falan qayn doonaa qaabka ugu sahlan ee lagula dagaalami karo Kooxda Shabaab oo si cad u sheegatay in ay tahay Al-qaacida.

Xafiiska www.Bartamaha.Com ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: