Calendar

Shirkii ka soconaye Adis Ababa oo la filayo in uu maanta soo gabagaboobo

Shirkaani ayaa waxaa marti gilinaaye Dowladda Ethiopia ayadoona lagu hishiisiinaye Maamul-goboleeedka Jubbaland iyo Dowladda fidraalka Soomaaliya ayadoona intiisa badan la isku af-gartay qodoba badan kasoo baxay shirka.

Axmed Madoobe oo horay u sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in loo ogolaaday in uu maamulo jubbaland ayadoona sidoo kale la isku raacay in la badalayo maamulka jubbaland oo lagu badalayo Maamul golobeedaka ayadoona ilaa hada la isku mari la yahay maamulida Garoonka iyo Dagada magaalada Kismaayo dhaqaalaha kasoo baxayo.

Dowladda fidraalka ayaa waxa ay maamulka axmed madoobe u ogolaaday in ay maamulaan jubbooyinka balse ay ayaga maamulayaan dhaqaalaha dagadda magaalada kismaayo iyo garoonka taa uu axmed madoobe ka biya diiday.

maanta ayaa la filayaa in uu si rasmi ah usoo gaba-gaboobo shirka islamarkaana labada dhinac midkood uu tanaasulo ayadoo ay jiraan dhaliilo farabadan oo ay jeedinayaan qaar katirsan siyaasiyiinrta jubbooyinka kaa oo ku aaday in uu axmed madoobe ay waxiisa yihiin wax aan nadaam ku saleysneen dowladda ay ku qaldan tahay in ay wada hadal lagasho.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: