Calendar

Sirta iyo Sababta ka danbaysa kala dirida Ciidamada Daraawiishta Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.

DSC06904Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa shalay si rasmi ah u kala dirtay Ciidamada Daraawiishta kuwaasi oo markii hore ahaa Maxkamadihii Dowlada ku biiray.

Ciidamada Daraawiishta  oo magac ahaan watay Maxkamadaha Dowlada ku biiray ayaa shalay la kala diray oo la kala fogeeyay iyadoo Booliiska iyo Militariga lagu kala daray.

Ciidamadaasi ayaa waxaa la sheegay in sababta ugu weyn ee loo kala diray ay tahay la shaqeynta Islaamiyiinta Mucaaradka oo looga shakiyay iyadoo Sir badan oo Dowlada ay fakiyeen.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Khilaaf ba’an uu ka dhashay kala dirida Ciidamadaasi iyadoo qaar badan oo ka mida Saraakiisha Daraawiishta ay xiligan qarka u saaranyihiin in ay Dalka isaga tagaan ama ay Islaamiyiinta ku biiraan.

Ciidamadaasi waxa ay ahaayeen kuwa qaab ahaan ka takooran Ciidamada kale Ee Dowlada iyadoo inta badan ay muujin jireen la dagaalanka Burcada iyo Kooxaha Dareeska nCiidanka wax ku dhaca.

Madaxweynaha ayaa qaatay go’aanka Ciidamadaasi lagu kala diray iyadoo uu sheegay in ay yihiin Booliisk iyo Militari oo kaliya islamarkaana looga baahanyahay in ay ammaanka ka qeybqaataan.

War lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in horay Ciidamada Sirdoonka iyo kuwa Booliiska ay qabteen Saraakiil Daraawiishta ka dirsan oo looga shakiyay la shaqeynta Islaamiyiinta iyo Hub ay donayeen in ay ka iibsadaan Alshabaab. 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: