Somali Tigers iyo Xulka Somalida Minnesota oo ku kala guulaysatay…

Posted on Aug 8 2009 - 2:36pm by News Desk
Tweet
Pin It

xulkamnKooxda kubadda cagta ee Somali Tigers ayaa iyadu maalinimadii ay taariikhdu ahayd 08/02/2009 ku guulaysatay koobkii loogu magac daray Minnesota Somali soccer united (MSSU), kaasoo ay isku hirdinayeen siddeed kooxood oo ka tirsanaa kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan Minnesota oo kala ah: Cedar Stars, Midnimo, Somali Tigers, Owatona, Twin Cities,Communality,Edenpraire iyo Young stars.

Tartankaasi ayaa qabanqaabadiisa waxaa gacan ka gaystay 5 dhallinyaro oo deggan gobolka Minnesota kuwaasi  oo kala ah: Mustaf Scoopy,Daadir, Awoowe ,Ilkacase iyo Cabdicasiis Alkolo

Haddaba ciyaarihii semifinalka ayaa waxaa foodda is daray kooxaha Midnimo iyo Twin Cities, waxaana 1 iyo 0 ku adkaaday kooxda Midnimo. Dhanka kale semifinalka waxaa wada ciyaaray kooxaha Communality iyo Somali Tigers, waxaana 1 iyo 0 ku adkaaday kooxda Somali Tigers.

Ciyaartii kama dambaysta oo ahayd mid aad loo sugayay  ayaa waxaa isku haleelay kooxaha Somali Tigers iyo Midnimo oo ah kooxaha ugu awoodda badan gobolka Minnesota. Xaqiiqdii labada kooxoodba waxaa ay soo bandhigeen cayaar aad u heer sarreysay, in kasta oo aad mooday in kooxda Midnimo ay iska khasaariyeen fursado goolal loo fishay, waxaana ciyaartii ay ku soo gabagabowday 2 iyo 1 oo ay guushii ku raacday kooxda Somali Tigers.

Kooxda Somali Tigers ayaa iyadu ah horyaalka kubadda cagta ee gobolka Minnesota, waxaana ay ku guulaysteen labadii sano ee ugu dambeeyay koobkii toddobaadka Soomaalida (Somali Week 2008 iyo 2009) waxaana kooxda u cayaara dhallinyaro aad ugu wanaagsan kubadda cagta oo mustaqbal wanaagsan leh.

Kooxda Midnimo waxaa tababare u aha Macallin C/llahi Morgan, halka kooxda Somali tigers uu tababare u aha Xarbi.

Dhanka kale waxaa iyaduna cayaar saaxiibtinimo oo  aad u xiiso badnayd isku haleelay kooxaha xulka qaranka Soomaalida Minnesota  iyo kooxda Carioca oo ah koox Mexican ah oo iyadu ka tirsan kooxaha heerka 1aad(Division 1) ee ka dhisan gobolka Minnesota.

Cayaartan ay ku tartamayeen 2 da kooxood ayaa loo dhigay koob loogu magac daray Somali/Mexican friendship soccer, waxaana  labada kooxoodba ay ku soo bandhigeen cayaar aad u qurxoonayd.

Qaybtii hore ee cayaarta ayaa kooxda Carioca, waxay weerar aan kala joogsi lahayn ku qaadeen goolka kooxda Soomaalida taasoo dhalisay in 35 kii daqiiqadood ee ugu horreeyay ay dhaliyaan 3 gool oo fajaciso ku riday Soomaalida, hase yeeshee kooxda Soomaalida ayaa heshay rigoore oo cayaartii wajigeeda ka dhigtay 3 gool iyo 1 gool oo lagu kala nastay qaybtii hore.

Qaybtii 2aad ee cayaarta ayaa inamada soomaalida waxay la soo baxeen cayaar daawayaashii aad u soo jiidatay indhahooda, markii ay weeraro aan kala joogsi lahayn ku qarqiyeen  goolka kooxda Carioca, waxaana ay dhaliyeen 3 gool oo isku xigta taasoo ay kula wareegeen hoggaanka garoonka waxaana cayaartii ay noqotay 4 gool ay kooxda Soomaalida Leeyihiin, halka kooxda Carioca ay lahayd 3 Gool.

Waxaase misna ay mar kaliya wajigii cayaarta uu isbadalay markii kooxda Carioca ay iska daba dhaliyeen 2 gool oo xiriir ah cayaarta dhammaadkeedii, hase yeeshee inamada Soomaalida taasi ma niyad jabin , waxaana u suurogashay in daqiiqaddii ugu dambaysay cayaarta uu gool aad u qurux badan u dhlliyo ciyaaryahan Kalaay, taasoo keentay in gabagabadii  ciyaartu ay ku dhammaato  5 gool iyo 5 gool.

Dabadeed rigoorayaal ayaa loo dhigay ,waxaana halkaasi guushii 5 iyo 4 ku badiyay  kooxda Soomaalida oo aan oran karo, waxay galabtaasi muujiyeen cayaar aad u raalligalisay dadweynihii ka soo qayb-galay, waxaana jaaliyadda  Soomaaliyeed ee Minnesota  ay u soo hooyeen  Magac iyo sumcad aad u sarreeya.

Kooxda Soomaalida waxaa tababarayaal u ahaa: Cabdiwahaab iyo Ilkacase.

Sidan ayaa abaalmarinada loogu kala guulaystay:

.Kaalinta 1aad  kooxda Somali Tigers

.Kaalinta 2aad  kooxda Midnimo

.Goolhayihii ugu wanaagsanaa. Maxamed oo ka socday kooxda Communality.

.Tababarihii ugu wanaagsanaa: Cabdiwahaab oo ka socday  kooxda Owatona

.Difaacii ugu wanaagsanaa: Daahir kooxda Midnimo

.Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa: Raage kooxda Somali Tigers

.MVP Final: Cabdirisaaq oo ka socday kooxda Somali Tigers

.Ciyaaryahankii ugu goolal dhaliska badnaa: Asad oo ka socday kooxda Owatona oo ku qaaday 5 gool intuu tartanka socday.

Habeenimadii ay taariikhdu ku beegnayd 08/04/2009,ayaa iyaduna garoonka K/Koleyga ee Bottinoue Park lagu soo gabgabeeyay ciyaartii kama dambaysta ee k/Koleyga oo ay ku tartamayeen kooxaha Bulls iyo Young Stars. Ciyaartaasi oo ahayd mid aad u adag ayaa 2da kooxoodba ay ku soo bandhigeen cayaar farsamadoodu aad u heer sarreysay. Waxaana natiijadii ay ku soo gabagabowday 71 dhibcood oo ay guushii ku raacday kooxda Young Stars, halka kooxda Bulls ay ka keensadeen 69 dhibcood.

Daawashada cayaarahaasi ayaa waxaa ka soo qayb-galay guddoomiye ku xigeenka XSKK,xubin guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Mudane Maxamed Xaaji Cali Jimcaale oo halkaasi lagu casuumay, Guddoomiyaha isboortiga gobolka Minnesota, Cabdi Cali Macallin, Macallin/garsoore Caalami ee K/cagta Maxamed Xasan Qolof,Dr,Maxamed Aadan Jeelle oo ahaa garsoore Caalami ee K/Koleyga,iyo qaar ka tirsanaa Macallimiintii iyo ciyaartooydii Soomaaliyeed:Idiris Ibraahim, Axmed Daahir,C/qaadir Shiikha,C/qaadir Madaxey,Maxamuud Ciise,Gani Xasan Nuur,Nimco Kenyaati, iyo Deeqo Awil.

Diyaariye: Shiikha

Sawirka: Shiikha

Tafatiridii: Abdirahman Mukhtar