Calendar

Soomaali dhac iyo dil loogu geystay dalka South Africa, iyo dhibaatada oo sii badaneysa

Wararka aanu ka heleyno dalkaSouth Africa ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi falal isugu jira dil, dhac iyo boob loogu geystay Soomaalida ku dhaqan dalkaasi.

C.raxmaan Maxamuud oo kamid ah Ganacsatada ku dhaqan dalka South Africa ayaa waxa uu website-ka Caalamiga ah ee bartamaha u xaqiijiyay in xaafada loo yaqaano phalridge ee ku taalo dalkaasi ay ka dhaceyn dhibaato tii ugu xumeyd

Dhanka kale C.raxmaan ayaa sheegay in ay ka danbeysay dhibaatada kadib markii niman madoow ah uu u dhashay dalkaasi ay jareen gabi ahaan korontadii kadibna ay billaabeyn falal dhac iyo boob isugu jira, walloow oo sheegay inay dhimashadu aheyd mid yar.

Sikastaba dalka South Africa ayaa waxa uu noqonayaa meel inta badan dhibaatooyin loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ku ganacsada ayadoona aysan jirincid ka hadasha dhibaatadaas.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: