Calendar

Taaladii Dhagaxtuur iyo sida lagu soo riday (Goobjooge)

dhagaxtuur[ Sheekadaan waxaa noogaga sheekeeyay qof goobjoog ahaa ]

Goobjooguhu wuxuu igu yiri:
Dhagaxtuur ayaa maalintii lasoo ridayay waxaan ka mid ahaa dadkii badnaa ee daawanayay. Waxaa Wiish la saaray nin inta lagu xirxiray xargo, wiishkuna ma ahayn mid loogu talogalay howlahaan oo kale ninka ka shaqaynayayna si fiican wiishaka umuusan aqoon.

Kor ayaa loo qaaday waxaana la rabay inuu Dhagaxtuur kusoo xiro KAAWO (Xarig silig adag ka samaysan), Xarigaasna waxaa dhinaca kale lagu xiray oo dhulka la doonayay inuu jiido Kaare (Tank) lasoo bililiqeystay.

Ninkii ayaa cirka loo qaaday laakiin wiishka oo aan si fiican loo aqoon sida loo leexleexiyo markuu hawada wax u wado ayaa sababtay in ninkii isagoo lalmanaya uu si xoog ah ugu dhacay Taaladii uu doonayay inuu soo rido. Dhagaxtuur isagoo meeshiisa taagan ayuu gacanta ka jebiyay ninkii doonayay inuu xariga ku xiro kana soo tuuro meeshuu sanadaha badan saarnaan jiray. Sababta uu gacanta uga jabayna waxay ahay xowligii uu ku wiifayay iyo birta Dhagaxtuur uu ka samaysnaa oo markuu ku dhacay gacanta ka jebisay.

Ninkii ayaa soo qeyliyay oo ka codsaday dadkiisii hoos joogay in lasoo dejiyo maxaa yeelay dhagaxtuur ayaa gacanta ka jebiyay.

Waa lasoo dejiyay, waxaana lagu bedelay nin kale oo ku guulaystay inuu xarigii siliga ahaa ku soo xiro Geesigii Dhagaxtuur, Kaarihii ayaa xoog u jiiday wuxuuna usoo dhacay af gembi. Halkaas ayaana Dhagaxtuur ay taaiikhdiisii ku dhamaatay.

Dhagaxtuur waa la jarjaray waxaana loo iib geeyay Dubai.

Comments

comments

Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: