Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Dib U Howlgeliyay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed (Sawirro)

JAAMACADDA UMADDA

Muqdisho (BARTAMAHA) Muddo kaddib waxaa lugu wada inay shaqo bilowdo Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed taas oo an shaqeyn 24-tii sano ee la soo dhafay.

Shir ka dhacay xarunta madaxatooyada Soomaaliya oo u shir guddoomiyey madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Manhajka Jamacada, kuliyadaha lagu furayo, miisaaniyadda jaamcadda, iyo qodobba kale oo muhiim ah.

Wasiirka wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamad oo kulanka kaddib ka warbixiyay furitaanka Jaamacadda iyo go’aannadii ka soo baxay kulandka guddiga sare ee Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale,wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed uu si rasmi ah u furay Jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in laga bilaabo maanta ay jaamacaddu furantahay.

Furitaanka Jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed 24-sano kadib ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalku ku hormarineyso tacliinta dalka, iyadoo kuliyadaha kala duwan ee jaa,acaadaasi ay hore uga aflaxeen kumannaan aqoonyahano Soomaaliyeed ah.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: