read more »">
Calendar

Qarax ka dhacay Muqdisho ayaa ku dhintay Mas’uul ka Laanta Socdaalka (SAWIRRO)

Qarax Muqdisho

Muqdisho (Bartamaha) Laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay jidka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, iyadoo mas’uulka lahaa gaariga uu qaraxu ka dhacay uu gellinkii dambe ee maanta u dhintay dhaawicii soo gaaray.

Qaraxan oo ahaa mid lagu xiray baabuurka mas’uulkan oo lagu magacaabi jiray, Mukhaar Dheer oo ka tirsanaa qaybta baratakoolka ee madaxtooyada, haddana ka mid ahaa xubnaha ka howlgala garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka hoteel Wehliye oo ku dhow isgoyska dabka.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa gabi ahaan burburay, iyadoo qaraxuna uu dhacay xilli uu gaarigu socday waddaduna ay ahayd mid aad u mashquul badan, iyadoo qofka kale ee uu dhaawaca kasoo gaaray qaraxan uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo waddada marayay.

Waddada ayaa waxaa qaraxa kaddib buuxiyay ciidammo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya, iyagoo joojiyay dhammaan isku socodka jidka, waxaana sidoo kale halkaa soo gaaray ciidamada dabka la dagaalama oo damiyay gaariga uu dab ka kacay.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cali Zeko oo goobta soo gaaray ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid gaariga lagu soo xiray, balse ay billaabayaan baaritaanno ay ku baadi-goobayaan kuwii ka dambeeyay qaraxa gaariga lagu xiray.

Xalaadda amni ee Muqdisho ayaa wali ah mid ay ka dhacayaan falal amni darro,waxaana sidoo kale socda howlgallo ciidammada ammaanka ay ku soo qabteen uh iyo rag ka tirsan Al-shabaab.

Qarax Muqdisho 6 - Bartamaha Qarax Muqdisho 5 - Bartamaha Qarax Muqdisho 4 - Bartamaha Qarax Muqdisho 1 - Bartamaha Qarax Muqdisho 2 - Bartamaha Qarax Muqdisho 3 - Bartamaha

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: