Calendar

Taliye Gaay-gaay u qeybsanihii Alshabaab woqooyiga Muqdisho oo dhintay(Faah-faahin).

4dc6d0c8fec596a600ec841513fd82dbBartamaha (Muqdisho):- Sida xog dhamaystiran aynu ku helnay waxaa dhaawac halis ah ka dib u dhintay Taliyihii aagaga Woqooyiga Muqdisho ee kooxda Alshabaab.

C/qaadir sheekh Axmed” Gaay-gaay” Taliyihii Alshabaab Xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa u dhintay dhaawac xun oo halis ahaa kaasi oo ka soo gaaray lugta Midig iyo Madaxa.

C/qaadir ” Gaay-gaay” ayaa dhaawaciisa la geeyay mid ka mida Isbitaalada Muqdisho waxaana la sheegayaa in laga jaray Lugta dhaawaca soo gaaray taasi oo sababtay in dawcad loo qabsado dhaqtarkii ka jaray lugta.

Taliyaha ayaa isbitaalka yaalay illaa maalintii Arbacada ee la soo dhaafay isagoo dhaawacmay Isniintii la soo dhaafay iyadoo lagu murmay sababtii keentay ka jarida lugtiisa midig.

Sargaal aad ugu dhawaa Gaay gaay oo ay Ehel wadaagna ahaayeen balse dhawaan isaga soo baxay Alshabaab ayaa www.Bartamaha.Com u xaqiijiyay qaabka dhimashada sargaalkaasi shabaabka ahaa.

Ninkan Taliyaha ahaa ayaa markii lagu murmay jarida Lugtiisa ka dib la xaqiijiyay in la geeyay Xaafad isbitaal ahaan shabaabka ay u isticmaalaan oo ku taala deegaanka Xamar Jadiid Muqdisho halkaasi oo uu ku dhintay habeenkii arbacada ee la soo dhaafay.

C/qaadir sheekh Axmed” Gaay-gaay”  waxa uu ahaa sargaal frifricoon oo ka tirsanaa Kooxdii Xizbul Islaam isagoo muddo markii uu u xernaa Alshabaab Sh.Dhexe la sheegay in uu goostay ku biirida Alshabaab.

Gaay-gaay ayaa taliye xilli ka ahaa Degmada Yaaqshiid kooxdii Xizbul Islaam ee joogi jirtay isagoo la kulmay weeraro dhanka shabaabka kaga yimid wallow uu ka badbaaday isku dayo dil xiliya badan oo Bam gacmeed lagu weeraray.

Sargaalkan ayaa dhamaadkii sanadii la soo dhaafay noqday Alshabaab isagoo ka mid noqday saraakiisha Firfircoon ee si weyn dagaalada woqooyiga Muqdisho u hogaaminayay.

Sargaalkan ayaa u dhintay dhaawac madfac ka soo gaaray xilli uu dagaal uga jiray xaafada Manabooliyo Ee Degmada Shibis Muqdisho halkaasi oo ay Alshabaab kula dagaalamayeen dhawaanahan Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada.

Ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen geerida sargaalkaasi saraakiisha hogaamisa Alshabaab oo inta badan indhaha ka qabsata askarta iyo saraakiisha looga dilo dagaalada oo ay ku sifeeyaan kuwa aan dhiman.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: