Tarsan “Waan Hubaa Muqdisho maalmo ka dib Nabad ayay noqonaysaa….”.

Posted on Oct 13 2010 - 5:56pm by News Desk
Tweet
Pin It

TarsanBartamaha (Muqdisho):- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo aadan Nabad ka dhalin doonaan Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho.

Maxamuud Axmed Tarzan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa daaha ka qaaday in saacadaha soo aadan ay la wareegayaan dhul badan oo Muhiim ah kana mida Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho.

Tarzan ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Gobnolka Banaadir ay u diyaar garoobeen Nabad ka dhalinta Muqdisho islamarkaana ay diyaariyeen Ciidanka Ammaanka Ee Gobolka.

Masuulkan waxa uu cadeeyay in Askarta Dowlada ay yihiin kuwa u caaboon nabad gaarsiinta shacabka dagaalada ku dhamaanaya maamul walba ee ku dhaqan gudaha Caasimada Muqsdisho.

“Waan Hubaa Muqdisho maalmo ka dib Nabad ayay noqonaysaa…. waan diyaarinay Ciidankii amniga dhalin lahaa mana ah mid tuugmo aan ammaan ku keenayno gudaha Muqdisho..” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu sheegay in ammaanka uu yahay mid aan la isku halayn karin meel walba oo magaalada ah wallow hadda ay noqon doonto mid amaan buuxa noqota.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].