Abuu Mansuur oo Beeshiisa dalab culus u jeediyay.

Posted on Oct 13 2010 - 12:06pm by News Desk
Tweet
Pin It

abumansuurBartamaha (Baydhabo):- Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Hogaanka labaad Ee Kooxda Shabaab ayaa dalab culus u jeediyay Beesha uu ka soo jeedo oo dagan Bay iyo Bakool.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo hadda ku magacaabay Hogaanka Labaad Ee Kooxda Shabaabka ayaa waxa uu ka dalbaday Beesha uu ka dhashay in ay keenaan Ciidan la dagaalama Dowlada iyo Amisom.

Abuu Mansuur ayaa la hadlay boqolaal Maleeshiyaad Cusub oo shabaab ah kuwaasi oo ay soo aruuriyeen Beelaha dagan Bay iyo Bakool ka dibna tababar ku qaatay Gobolkaasi oo haatan ah dhulka ay ku xoogan yihiin Maleeshiyada shabaabka.

Sheekh Mukhtaar waxa uu hadal uu u jeedinayay Maleeshiyaadka cusub ku sheegay in looga baahan yahay in ay soo laayaan Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho si dalka nabad uu u noqdo.

Mukhtaar Roobow waxa uu cadeeyay in Beeshiisa ay tahay Beesha ugu badan ee Mujaahidiinta ay ka soo jeedaan islamarkaana ay horay u laayeen Ciidankii Dowlada iyo kuwii Ethiopia oo mar si xoogan uga talinayay Gobolada Koonfurta.

“Waxaad tihiin Beel Mujaahidiin ah oo looga bartay Kamiinka iyo in ay Gaalada laayaan ….waxaan Alle dartiis idinkaga doonaynaa in aad Caruurtiina ka dhigtaan kuwa Mujaahidiin Jidka alle ku dhinta oo laaya Kufaarta iyo Dowlada ku sheega….Hadda ragiinan tababarka qaatay waa in aad u dhaqaaqdaan jidka alle si aad u laysaan Dowlada iyo Amisom dadka Cumalada u ah….” ayuu yiri Abuu Mansuur oo Beeshiisa iyo Ciidanka ay diyaariyeen la hadlayay.

Wadaadkan oo dhawaanahan la aaminsanaa in uu ku kacsan yahay Axmed Cabdi Godane oo ah Amiirka guud ee Shabaabka ayaa hadda bilaabay aruursiga Ciidan u badan Beeshiisa waxaana horay u soo gaaray Gobolkaasi Bay ciidan ka soo kala tagay aagaga Muqdisho iyo Gobolka Hiiraan.

Hadalka Abuu Mansuur ayaa u muuqanayay mid uu ku raadsanayo Ciidan dheeraad ah oo beesha uu ka dhashay ah si uu isugu diyaariyo dagaal ka dhan ah Ciidanka Midowga Afrika iyo kuwa Amisom.

Lama garanayo hadalhayntii maalmihii danbe soo baxaysay oo ku aadanayd in uu Mansuur samaysan doono Koox magac ka duwan Alshabaab wadata si uu uga dhex muuqdo isbadbadalka guud ee dalka looga bartay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].