Calendar

UNESCO oo dalbatay in Baaritaan lagu sameeyo Dilalka Suxufiyiinta loo geysto

Xarunta Ururka Dhaqanka iyo Cilmiga ee Qaramada Midoobay ee Marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNESCO ayaa Sheegay in ay aad uga walaacsanyihiin Tacadiyada ka dhanka ah Saxafiyiinta ka howlagala Soomaaliya, loona Baahanyahy in Baaritaan dhab ah lagu sameeyo dadka saxafiyiinta Soomaaliyeed Bartilmaameedsado.

Madaxa UNESCO-irina-bokova, ayaa sheegatay in golauhu si Xoogan u Canbaaraynayaa dilkii foosha Xumaa ee loo gaystay Injineer Axmad Shariif oo kahowlgalayay Radio Muqdisho,kaasoo kooxa Hubaysan ay dhawaan Muqdisho ku dileen.

Axmad Sharif ayaa waxa uu  noqonayaa Wariyihii Shanaad ee Sanadkaan Soomaaliya lagu dilo.

Bokova ayaa sheegtay in ay Muhiim tahay in la dhowra Xoriyada Hadalka lana ilaaliyo Xuquuqda Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxa ayna ka dalbadeen dowlada Soomaaliya in la horkeeno Cadaalada dadkii ka danbeeya dilalka Saxafiyiinta.

Soomaaliya ayaa waxa ay kamid tahay 10 Wadan ee aad loogu dhibaateeyo Saxafiyiinta.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: