Calendar

AMISOM oo shaacisay inay ka hortageen weeraro lagu soo qaaday Kismaayo

downloadCiidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarro is-xigay oo ay Al-shabaab kusoo qaaday saldhig ay ku leeyihiin magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarradu ay dhaceen habeenkii ay Arbacadu soo galaysay iyo aroornimadii Arbacada, ayna ciidamadeedu ku guuleysteen inay ka hortagaan weerarradaas.

Al-shabaab waxaa magaalada Kismaayo laga saaray bihsii Oktoobar ee sannadkii 2012, iyadoo dhowr jeer oo hore ay weerarro kusoo qaaday, balse waxaa ka hortagey sida warka lagu sheegay ciidamada AMISOM ee aaggaas ku sugan.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo ayaa dhammaantood ah Kenyan, balse waxay qayb ka yahiin hawlgalka AMISOM au ku joogto waddanka Somalia.

Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay weerarka ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo saldhig u ah ciidamada AMISOM, ayaa sheegay inay askar badan weerarkaas kaga dileen AMISOM, iyagana uu hal askari ka geeriyoodey.  Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhowaan ku dagaallamay dhinacyo isku haya hoggaanka magaaladaas oo ah mid istraatiiji ah, islamarkaana leh ilo dhaqaale oo badan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: