Calendar

Ururuka Xisbul Islaam oo Maamul cusub ooga dhawaaqay Degmadda Afgooye.

MOGADISHU-SHEIK AWEYS-PRESSER

Bartamaha (Muqdisho):- Munaasabad xilka looga qaadayay xubnihii hore ee Maamulka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye islamarkaana xubno cusub loogu magacaabayay Maamulkaasi ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay ka dhacday xarunta maamulka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye.

Waxaan dhanka kalle Munaasabadaasi goob joog ka ahaa Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, madaxa arimaha gudaha ee Ururka Xisbul Islaam C/laahi Axmed Cumar Islow iyo Saraakiil sar sare oo ka socotay hogaanka sare ee Ururkaasi.

Sheekh Xassan Daahir ayaa shacabka reer Afgooye ugu baaqay in ay taageeraan Maamulka Cusub ee ay ku dhawaaqay iyadoo ay ka soo qeeb galeen Munaasabadan Boqolaal dad ah.

Sidoo kale waxaa iyana xilalkii ay hayeen waayay taliyihii hore ee amniga ee degmada Afgooye Maxamuud Xuseen iyo madaxii Maaliyada ee maamulka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye Sheekh Ibraahim Gaabow, waxaana xubnaha cusub ee badalay xubnahaasi xilalkoodii waayay ka hor aqriyay magacyadooda C/laahi Cumar Islow oo ah madaxa arimaha gudaha ee Ururka Xisbul Islaam.

Gudoomiyaha cusub ee Afgooye waxaa loo magacaabay Cabdul Kariin Muuse Cumar oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Xisbul Islaam waxaa sidoo kale la magacaabay taliyaha ciidanka amaanka.

Munaasabadaasi oo ka dhacday gudaha degmada Afgooye ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal dadweyne ah kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Ugaaska Beesha Garre Ugaas Macalin Fanax iyo sidoo kale Ugaaska Beesha Wacdaan Ugaas Abuukar Islow iyo xubno kale oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku nool gudaha degmada Afgooye.

Si kastaba ha ahaatee Munaasabadan gelinkii dambe ee maanta ka dhacday gudaha degmada Afgooye ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli mudooyinkii ugu dambeeyay ay degmada Afgooye ka dhacayeen isqabqabsi balaaran oo la xiriira dhulalka ku yaala gudaha iyo daafaha degmada Afgooye.

Xafiiska Bartamaha ee Muqdisho.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: