Calendar

War Deg-Deg ah:-Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo dagaal fooda isdaray Deegaabka Xagar Ee Gobolka Jubada Hoose.

breaking-news bartamahaBartamaha(Xagar):-Dagaal qaraar oo u dhexeeya Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam ayaa ka dilaacay Deegaanka Xagar Ee Gobolka Jubada Hoose halkaasi oo weli uu dagaal ka socanayo.

Saaka aroortii hore ayaa waxaa la sheegay in dagaal xoogan uu ka dhex bilowday Ciidamada Xizbul Islaam iyo kuwa Alshabaab kuwaasi oo dhawaanahan isaga soo horjeeday Deegaanka Xagar oo ku dhow Degmada Afmadow.

Sida Wararka sheegayaan dagaalka Saaka bilowday ayaa waxa uu yahay mid ka xoog badan dagaaladii dhawaanahan ka dhacayay Deegaano ka mida Jubada Hoose oo ay Alshabaab iyo Xizbul Islaam iskula dheceen.

Xaalada ayaa u muuqata mid cakiran iyadoo deegaano kale oo Gobolkaasi ah laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda taasi oo sabab u noqon karta in dagaalka uu ka dhaco deegaano badan oo Gobolkaasi ah.

Wixii dagaalkaasi Jubahada Hoose ku saabsan kala soco www.Bartamaha.Com oo haka dheeraan Insha Allaah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: