War Deg-Deg ah:-Xizbul Islaam oo Baladweyne dib u qabsatay iyo rasaas ka socota xaafadaha Bari Ee Magaalada.

Posted on Jan 11 2010 - 5:57am by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamaha1Bartamaha(B/Weyne):-Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Baladweyne ayaa shegaya in Xizbul Islaam ay magaalada dib u qabsatay markii xalay ay Ahlu sunnah gacanta ku qabatay guud ahaan magaaladaasi.

Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa noqotay isku tuur turr markii xalay ay qabsadeen Ciidamada Ahlu sunnah oo ay kaabayaan kuwa Dowlada iyadoo saaka ay dib u qabsadeen Xizbul Islaam.

Dagaal xoogan ayay dadka magaalada hurdada uga soo tooseen iyagoo xalayna ku seexday dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta Xizbul Islaam magaalada looga saaray.

Abaara 8:30-mirir ayaa waxaa magaalada qabsaday Ciidamada Xizbul Islaam kuwaasi oo weerar xoogan ku soo qaaday Ciidamada Xalay magaalada seexday Ee Ahlu Sunnah iyo Dowlada.

Xiligan waxaa rasaas laga maqlayaa xaafado konaha bari ee magaalada Baladweyne ah halkaasi oo ay ku harsanyihiin Ciidamada Ahlu sunnah iyo kuwa Yuusuf Dabageed.

Dagaalada u muuqda kuwa sii socanaya oo aan cidna awood xoogan magaalada ku haysan Karin ayaa qasaara badan gaarsiiyay shacabka magaalada ku dhaqan.

Wixii warar ah eek u soo kordha xaalada kacsan ee baladweyne www.Bartamaha.Com kala soco Insha Allaah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.