War Deg-Deg ah:Sargaal ka tirsan Xizbul Islaam oo ay dileen Kooxo hubaysan Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Xaalada oo kacsan.

Posted on Oct 9 2009 - 8:42am by News Desk
Tweet
Pin It

WAR DEG DEG AHBartamaha(Ceelasha Biyaha):-Kooxo hubaysan ayaa dilay Sargaal sare oo ka tirsan Ururka Xizbul Islaam iyadoo Xaalada Deegaanada lagu barakacay ay tahay mid aad u kacsan.

Koox dablay gaari muraayada madow wadatay ayaa la xaqiijiyay in ay isku horjareen gaari uu saarnaa Sargaal ka tirsan Xizbul Islaam Deegaanka Ceelasha Biyaha halkaasi oo ay ku dileen Sargaal sare iyo dhammaan ilaaladiisa.

Sargaalkan oo magaciisa lagu soo gaaliyay Taliye Daalibaan ayaa la soo sheegayaan in uu dhintay islamarkaana ay la geeriyoodeen 2-ilaaladisa ahayd kuwaasi oo aan  marnaba ridin rasaas.

Dilkan  oo u muuqday mid gaadma ah ayaa sababay dhimashada sargaalkaasi iyo Xiisada oo circa isku shareerta dhammaan waxaa xeran goobaha ganacsiga Suuqa Ceelasha Biyaha dhaqdhaqaaqa gawaaridana way istaageen .

Gaadii dagaal ayaa dhammaan Xaafada Ceelasha Biyaha lagu soo daadiyay kuwasi oo ay leeyihiin Ciidamada Xizbul Islaam iyadoo Sargaalkaasi uu taliye sare u ahaa Ciidamada dagan dhanka Ceelasha Biyaha.

Taliyaha la dilay Ee lagu magacaabo Daalibaan ayaa la sheegayaa in horey kooxo hubaysan ay Bakaara ugu dhaawaceen muddo yar ka hor xilli lagu Eedeeyay in uu soo galiyay Ceelasha Biyaha Saraakiil Qaramada Midoobe ka socotay .

Wixii Dilkaasi ku soo kordha iyo xaalada kacsan kala Soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.