Calendar

Wasiirka warfaafinta Soomaliya oo kahadlay waxqabadka Dowlada ee todabadkii lasoo dhaafay (War-saxafadeed)

wasiirka

Mogadishu, 21 June 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlayey arrimo ay ka mid yihiin, Wadatashiga Siyaasadda Dhalinyarada Qaranka, horumarka laga sameeyey dib-u-heshiisiinta, Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud oo si rasmi ah u howlgalay, Madaxweynaha oo gaaray Bakool, Waajid, Jowhar iyo Mahaday. Xeerka Saxaafadda oo la tashiyo lagala sameeyey Suxufiyiin Soomaaliyeed, Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiiska ka mid noqoshada ACP iyo Ansixinta Baarlamaanku ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegist Dastuurka.

Wasiirka oo ka hadlayey Wadatashiga Siyaasadda Dhalinyarada Qaranka ayaa yiri “Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa bilowday wadatashiyo lala yeelanayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo ujeedadu tahay in dhalinyarada laga qeybgaliyo dejinta Siyaasadda Dhalinyarada Qaranka, si dalku u yeesho siyaasad ay ka soo qeybqaateen dhalinyarada oo lagu horumarinayo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen shaqooyin, waxbarasho tayeysan, oo weliba ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen siyaasadda dalka. Dowladdu wey ka go’antahay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu dhiiri gelin lahaa inay dalkooda u istaagaan.”

Wasiirka oo ka hadlayey horumarka ballaaran ee laga sameeyey dhanka dib u heshiisiinta ayaa yiri “Dowladdu usbuucii la soo dhaafay waxey ku guuleysatay in collaadihii ka jirey gobolka Gedo inay ku soo afjarto si nabad ah oo dib u heshiisiin waarta la dhex dhigay qeybihii halkaas ku dagaalamay. Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga iyo xildhibaanno Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in kooxihii ku dagaalamay Beled Xaawo la dhex dhigo dib u heshiisiin waarta oo madax dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka wada qeybqaateen, sidoo kale maamulka Jubba oo Madaxweyne ku-xigeenkooda iyo maamulka Gedo ee Dowladda Federaalka ay si wadajir ah uga shaqeeyeen sidii dagaaladaas loo joojin lahaa oo maanta aan ku faani karno in dib u heshiisiin waarta la isla qaatay oo ah siyaasadda dowladda oo khilaaf walba oo jira loo baahanyahay in lagu xaliyo si nabad iyo dib u heshiisiin ah. Dhanka kale Wasiirada Arrimaha Gudaha & Federaalka iyo Wasiirka Gaashandhiga, ahna Sii Hayaha Amniga Qaranka ayaa hay’adaha amniga ka howlgaliyey degmada Marka oo ay weli socoto waanwaantii iyo dib u heshiisiintii kooxihii halkaas ku dagaalamay oo madax dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay kala shaqeynayaan Dowladda.”

Wasiirka oo ka hadlayey Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud oo si rasmi ah loo furay ayaa yiri “18kii June ayaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka si rasmi ah u furay xafiiska Hanti-Dhowlrka Guud oo la rajeynayo inuu si fiican uga howlgalo sidii dhammaan hay’adaha dowladdu ay ugu shaqeyn lahaayeen si maamul wanaag ku dhisan. Hanti-Dhowrka Guud waxuu ka howlgalayaa sidii loo joojin lahaa musuqmaasuqa iyo maamul xumada. Hanti-Dhowrka Guud waxuu ku yimid hab furfuran oo tartan loo wada galay, ujeedaduna ay tahay in la horumariyo maamul wanaaga dalka iyo Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda oo maanta aan ku faani karno inay marayaan marxalad kalsooni siiyey deeq bixiyeyaasha caalamka.”

Wasiirka oo ka hadlayey Madaxweynaha oo booqday degmooyinka qaarkood ayaa yiri “18kii June Madaxweynaha waxuu gaaray Jowhar iyo Mahaday oo uu soo dhagax dhigay Jaamicaddii ugu horreysey ee laga hirgalinayo degmada Mahaday oo Jaamacadda Benaadir ay hirgelineyso. Ujeedaduna tahay in waxbarashada la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka dalka. Madaxweynaha ayaa shacabka Mahaday halkaas kula hadlay una ballanqaaday in dowladdu ay gaari doonto dhammaan deegaanada dalka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa gaaray Bakool iyo Waajid oo uu shacabka deegaanadaas la kulmay una soo kuurgalay xaaladooda. Bakool iyo Waajidna waxaa lagu guuleystay in la gaarsiiyo gar-gaar deg-deg ah iyadoo kooxaha nabad diidka ah ay halkaas go’doomiyeen, hase yeeshee dowladda waxaa ka go’an in la gaaro dhammaan shacabka iyo deegaanada dalka oo dhan.”

Wasiirka oo ka hadlayey Xeerka Saxaafadda oo la tashiyo lagala sameeyey Suxufiyiin Soomaaliyeed ayaa yiri “18kii June ayaa Guddiga dib u eegista Xeerka Saxaafadda ay Nairobi ku qabteen shir wadatashi lala yeelanayey Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi. Ujeedada kulankan wadatashiga ayaa qeyb ka ahaa la tashiyo in muddo ah la soo waday si Xeerka Saxaafaddu u noqdo mid soo maray marxaladihii kala duwanaa isla markaana loo aruuriyo fikradaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed si Xeerka u noqdo mid ay Suxufiyiintu ku qanacsanyihiin. Kulankan wadatashiga oo aan qadka telefoonka uga qeyb galay ayaa waxaa aad ii dhiiri geliyey sida suxufiyiinta Soomaaliyeed ay diyaarka ugu yihiin inay horumarka warbaahinta dalka uga qeybqaataan. Waxaana u ballanqaaday in Xeerka Saxaafaddu uu wax weyn ka bedeli doono dhanka warbaahinta oo suxufiyiinta Soomaaliyeed ay helayaan xaqooda. Khamiistii 19ka June ayaan Xeerka Saxaafadda hor dhigay Golaha Wasiirada oo si fiican uga soo baarandagaya si shirka danbe ay u ansixiyaan.”

Wasiirka oo ka hadlayey Heshiiska ay Soomaaliya iyo Midowga Yurub kala saxiixdeen ee ka mid noqoshada ACP ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheeikh Axmed iyo Madaxa Midowga Yurub ee Horumarinta Mr Andris Piebalgs ayaa magaalada Nairobi 19kii June ku kala saxiixday heshiis ay Soomaaliya uga mid noqoneyso waddamada ku bahoobay Afrika, Caribbean iyo Pacific (ACP). Dalka Soomaaliya ayaa ka maqanaa muddo 25 sano ah xubin kamid noqoshada iyo ka shaqaysiinta heshiiskii Continuo oo ay ku wada jiraan dalalka ACP. dhanka kale Midawga Yurub ayaa maanta ugu deeqay Soomaaliya lacag dhan 400 Milyan oo doolar oo ah lacaga lagu caawiyo dalalka ku jira ACP oo Midowga Yurub ay qayb ka tahay. Kaalmada Midowga Yurub waxaa ka faa’iidaysta dalalka xubnaha ka ah ACP iyadoo loogu tala galay in lagu fuliyaa mashaariicda dhismaha nabadda, xasiloonida, kobcinta dhaqaalaha, yaraynta faqriga, iyo horumarinta maaliyadda. Heshiiskan ayaa ah mid taariikhi ah oo Soomaaliya u horseedaya inay hesho Kaalmooyinka Midowga Yurub ay siiso dalalka ku bahoobay ACP.”

Wasiirka oo ka hadlayey ansixinta ay Baarlamaanku ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista Dastuurka ayaa yiri “Ansixinta ay Baarlamaanku 19kii June 2014 sida aqlabiyadda leh ugu ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka waa horumar weyn oo laga sameeyey nidaamka Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya. Dowladda waxaa ka go’an in la hirgeliyo Tiigsiga 2016, oo ay ka mid yihiin Dib u eegista Dastuurka, Dhaqangelinta Federaalka iyo hirgelinta Dimoqraadiyeynta dalka, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin sanadka 2016ka. Dib u eegista Dastuurka waa aasaaska Tiigsiga 2016. Waxaa jiri doono cod loo qaado shacabka (referendum). Ka hor codeynta waxaa jiri doono barnaamijyo is-xig-xiga oo ay ka mid yihiin wacyigelin, la tashiyo shacabka lala sameynayo, doodo iyo is faham keeni kara in shacabku ay fahmaan Dastuurkooda. Dowladda Federaalku wey ka go’antahay in nidaamkan uu noqdo mid furfuran, hufan oo si isla xisaabtan ah loo fulinayo. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan in la taageero qorshahan dib u eegista Dastuurka oo muhiim weyn noo leh, naguna horseedaya inaan dalka ka qabano doorsahooyin sanadka 2016.”

 Wasaaradda Warfaafinta,

Muqdisho, Somalia

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: