Calendar

Wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan OO lagu aasay Muqadisho maanta

BARTAMAHA – AUN waxaa Maanta  Qabuuraha Iskool Bulusiyo ee Magaalada Muqdisho lagu Aasay Wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan oo ahaa Tafatirihii Idacada Mustaqbal islamarkaana ka soo shaqeeyey Idacadaan Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Aaska Wariye Keynaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ,Bahda Warbahinta Muqdisho iyo Ehelada Marxuunka.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya  Mustaf Sh Cali Dhuxulow  oo ka hadlay Aaska ayaa  Marxuun Keynaan ayaa ka Tacsiyadeeyey,Geeyrida ku Timid Yuusuf Axmed Abuukar,asagoona Alle oga baryey in uu Janadii geeyo.

Waxaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya uu sheegay in Baaritaan lagu sameenayo Dilka  Wareye Keynaan islamarkaana cadaalada la horkeenayo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: