Xaafado ka mida Muqdisho oo guud ahaan laga diiday Wiilsha dhalinyarada la Haasaawida Dumarka (Warbixin Rasmi ah).

Posted on Jan 10 2010 - 4:48pm by News Desk
Tweet
Pin It

AlshabBartamaha(Muqdisho):-Magaalada Muqdisho qeybo ka mida ayaa waxaa guud ahaan la diiday in ay wada istaagaan gabdhaha iyo Wiilasha iyadoo loo diiday in ay wada sheekeystaan.

Habeenadii ugu danbeeyay waxaa Degmooyin ka mida Magaalada Muqdisho ku soo badanayay Ciidamo ka tirsan Islaamiyiinta oo gaaf wareegaya guud ahan xaafadaha ay gacanta ku hayaan Ee Degmooyinka Muqdisho.

Ciidamada ayaa waxa ay garaacaan oo ay mararka qaar qabqabtaan dhalinyarada la Haasaawaya gabdhaha asaagood ah iyadoo guud ahaan la diiday in ay wada istaagaan gabdhaha iyo wiilsha.

Xaaladafa howlgalka uu ka dhacay ayaa waxaa ka mida Degmooyinka Huriwa,Kaaraan,Yaaqshiid iyo Dayniile oo guud ahaan la waayay Wiil dhalinyara ah oo Shukaansi ama Haasaawe u aada meel ka baxsan ama ku dhow xaafada ay ka taliyaan Islaamiyiinta.

“Waa arin la yaab leh mar haddii aan ragga aan la hadli Karin… ma iyagaan  guursanaynaa anagoo ogaan waxa ay yihiin oo aanan la hadlin …..ma qaadan karno waana arin Mucjisa ah…” ayay tiri gabar sheegtay in laga kexeestay wiil ay saaxiib la tahay oo xiligaasi la taagnaa afaafka hore ee guriga ay daganayd.

Waxaa sii yaraanaya Shukansiga ama Haasaawaha xiliga Habeenkii ah iyo sidoo kale waqtiyada la isla istaago wadooyinka magaalada iyadoo qof waliba uu ka baqanayo in la garaaco ama la xero.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.